SomalilandEye (Editorial): Xirsow Dadku maaha kii Hee shaley daraad jirey

0
67

Somalilandeye(Europe)- Shacbiweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dibada iyo gudaha dalka ayaa dareen cadho leh ka muujiyay Buug uu qorey wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xersi Cali X Xasan, bal haddaba aynu dib u yare jaleecno xersi oo aanay dadweynaha reer Somaliland aqoon u lahayn Siilaanyo hortii.

 

Buuggan waxa Mr. Xersi kaga waramayay taariikh nololeedkiisii Miyiga ilaa uu magaalada ku soo galay isagoo nin weyna, ka dibna nasiib uu u helay inuu shaqaaleeyo inaabtigii oo ah maalqabeenka weyn ee iska leh shirkadda Dahabshiil Group, waxaanay taasi u sahashay inuu si fudud uga mid noqdo masuuliyiinta sare ee shirkadaasi oo uu ka gaadhay inuu madax ka noqdo qaybta telefoonada ee SOMTEl. Muddadii uu Somtel madaxda ka ahaa waxay badiba isku dhaceen masuuliyiinta shirkadda iyo inaabtigii laftiisa oo fudeydkiisa ka yaabay, isagoo khasaarane galiyay shirkadaasi ugu danbeystiina waxa loo fuddudeeyay in la isu soo dhaafiyo dhanka xisbiga Kulmiye oo beeshiisu taageerada ugu balaadhan siin jirtey.

 

Gudoomiyihii xisbiga Kulmiye madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u soo magacaabay inuu xubin Komishanka qaranka ka tirsan oo ka socota xisbiga Kulmiye ka wakiila ahaado, waxaanu noqday gudoomiye xigeenka Komishanka Doorashooyinka qaranka, hase yeeshee kumuu raagin ee durba iyadoo laga warqabin oo aanu cidna kale tashan ayuu iska casiley shaqaadaasi.

 

Xersi intaasi kuma joogin ee waxa uu isku dayay inuu jabhad ka abuuro Somaliland gudaheeda la md ah ta Caare ee maanta oo kasoo horjeeda xukuumadii Rayaale, laakiinse beesha uu ka soo jeedo oo badiba taageero balaadhan u haysay xibiga Kulmiye oo tartan adag kula jirey xisbi xaakimkii UDUB, ayaa si adag uga hor timid kana kale daadiyay intaanay jabahadaasi taaba qaadin, iyadoo xabsiga loo soo taxaabay Xirsi.

Ex.Wasiir Xersi mar kale ayuu kasoo dhex muuqday tartankii Doorashada ee xisbiga Kulmiye ee sannadkii 2010, isagoo isticmaalay magaca reerkiisa waxaanay horseeday in mulkiilaha shirkada Dahabshiil iska fogeeyo,. Markii Xisbiga Kulmiye ku guuleystay tartankii Doorashada waxa uu si lama filaana loogu magaacabay inuu noqday Chief cabinetkii xukuumadii Siilaanyo waxaanu u ololeeyay isagoo beeshiisa adeegsanaya inuu noqdo wasiirka Madaxtooyada Somaliland, taasi oo uu uga faa’iideystey inuu isku dayo inuu burburiyo khilaaf adagna kale dhex dhigo Xisbigii Kulmiye dhexdiisa oo aanu marka horeba wax badan ku darsan. Xersi khilaafkaasi uu abuurey oo muddo dhawr sanno ah uu socday oo sababi gaadhay inuu xisbigu laba dhinac u kalo jabbo, ilaa markii danbe Madaxweyne Siilaanyo go’aan adag ka qaatay oo uu amray inuu Xisbiga iyo musharaxiisaba ay taageeraan isaga iyo kooxdiisuba.

 

Go’aankan madaxweyne Siilaanyo ayaa u cuntami waayay Xersi , waxaana mar kale u daarmay channelkiisii iscajabinta io ismahadinta ahaa, isagoo isku dayay inuu riddo xukuumadii Kulmiye ee Siilaanyo ka dib markii isaga iyo koox uu dowladda ka dhex samaystay iska casileen gollaha wasiirada kuna biireen xisbigii Mucaaridka ahaa ee Waddani. Waxaanu istusey markuu tallaabadan qaadayay inuu taageero badan ku heli doono xukuumaduna dhici doonto, waxaasay noqotey riyo dhicisowdey oo dhalaan habaabin ah. Go’aanka Xersi ee uu ku taageerey xisbiga Waddani ayaa dhabarjab weyn ku noqdey xisbiga wddani, iyagoo doorashadii dalka ka dhacdey oo ay kuwaayeen cod badan…….

La soco qaybta 2aad; doorashadii dhacday, dareenka shacbiga, sababta ku kaliftey Xersi qoraalkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here