Jaalliyada rear Somaliland ee ku dhaqan magaalada London ayaa kullan cash sharif ku maamuustey wasiirka wasaarada horumarinta maalgashiga ee JSL Md. Maxamed Axmed Cawed. Kullankan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kale duwan ee bulshada rear Somaliland ee ku dhaqan magaalada London, masuuliyiin, wakiilka Somaliland ee UK Amb. Ayaan Cashuur iyo xisbiyada qaranka ee Somaliland. Waxa uu wasiirku uga xog warmay waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay wasaaradiisa, qorshaha mustaqbalka iyo fursadaha maalgashi ee dalka yaalla.

Masuuliyiintii iyo dadweynihii kale ee halkaasi ka hadleyna waxay Madaxweynaha JSL ku amaaneen in gollahiisa wasiirada uu badiba ka dhigey kuwo dhallinyaro u badan, iyagoo carrabka ku adkeeyay in dhalliyaradaa masuuliyiinta ah ee Madaxweyne Biixi cugtey wax badan bulshada rear Somaliland ka filanayso.laga. Gebogabadii kullankaas oo jawi fiican ku dhamaadey, waxa wasiirka lagu weydiiyey Su’aallo uu si human uga jawaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here