Madaxweyne Muuse Biixi oo la filayo dhawaan inuu isku shaandheyn weyn ku sameeyo Xukuumadiisa

0
158

Hargeisa-(Somaliland Eye)-Xukuumadda uu Jamhuuriyada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa toddobaadka soo socdaa waxay ku beegan tahay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtey markii ay tallada dalka la wareegey. Sidoo kalena waxa uu toddobaadkii hore Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayay kasoo laabteen safar dheer oo ay ku soo mareen gobolada Bariga ee Somaliland, kaasi oo ay ujeedadiisu ahayd xogogaal u noqoshada baahiyaha degaamadaasi ka jira iyo tabashooyinka ay qabaan bulshada degaamadaasi ku dhaqan. Waxa kale oo ay soo kormeereen mashaariicda Horumarineed ee xukuumadda Somaliland ka hirgalanayso goboladaasi, iyagoo qaar cusubna soo dhagaxdhigey.

Dhanka kalena safarkaasi madaxweyne Biixi ku tagay Gobolada bariga waxa uu meesha ka saaray shaki badan oo xukuumadda iyo bulshada Gobolada Bariga qaarkood soo kale dhexgalay tan iyo intii ka danbeysay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoontey.

Haddaba maalmaha soo socda waxa la filayaa in Madaxweyne Muuse Biixi isku-shaandheyntii ugu balaadhaneyd inuu ku sameeyo Gollaha wasiirada xukuumadiisa, qaar ka mid ah Hay’addaha aminga, kuwa madaxa banaan iyo agaasimaasha guud qaarkood. Madaxweyne Biixi oo dadweynaha reer Somaliand in badan oo ka mid ahi saluug ka muujiyeen xukuumadii uu soo dhisey markii tallada qabtey, ayaa la rejeynayaa in qiimeyn dhinacyo badan iyo latashiyo kale duwan oo uu sameeyay ka dib ay ka fursan weydey inuu isku shaandheyn iyo isku bedel mug leh inuu ku sameeyo xukuumadiisa. Waxaana la filayaa in xubno muhiima oo gollaha wasiirada ka mid ahi xilalkooda ku waayi doonaanaan.

Wasaarada isku-shaandheyntani saameyn doonto ee si aada loo hadalhayana waxa ka mid Wasaarada Warfaafinta, Qorsheynta, Arrimaha Dibada, Maalliyada, Maalgashiga, Shaqada & Arrimaha Bulshada, Cadaaladda, iyadoo ay suurtagal tahay in wasaaraddo hore la iskugu daray la kale saari doono. Sidoo kalena Hay’addaha aminiga oo aan hore wax isbedel loogu samayn ayay si aada u saameyn doontaa iyo Maxkamada sare ee Somaliland. Waxaana laga yaabaa in wakiilada Somaliland ee dibadda qaarkood iyaguna shaqadooda ku waayi doonaan isku shaandheynta

Dhanka kalena waxa la sii saadalinayaa in xubnaha cusub ee xilalka heli doona ay si aada uga dhex muuqan doonaan degaanaada Somaliland ka mid ah ee wax tabanayay, halka xubno u badan dhallinyaro xilalka qaranka ku cusbeyd waayi doonaan xilalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here