Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland oo kullan la qaatey Jaalliyada Reer London

0
83

London (Somalilandeye)- Gudoomiyaha Maxkamed sare ee JSL Md. Aadan xaaji cali Axmed, ayaa kullan xogwerysi ah la yeeshey Jaalliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalada London.

Kullankan oo u dhacay ka duwan kullamadii hore ee masuuliyiinta dowladdu la yeelan jireen jaalliyada ayaa waxa kasoo qayb galay wakiilka Somaliland u fadhiya UK Marwo ayaan cashuur, aqoonyahanada iyo waxgaradka xogwerysi la yeeshay Gudoomiyaha waxaanay halkaasi ku daawadeen filim dhawr qaybood ah oo kooban, kaasi oo ka waramayay shaqada Waaxda Garsoorka iyo isbedelka balaadhan ee lagu sameeyay Muddadii uu xilka hayay Gudoomiye Aadan Xaaji Cali.

Intaas ka dibna waxa uu Gudoomiuhu sharaxaad iyo warbixin koobanka siiyey waxyaabihii u qabsoomey iyo caqabadaha ka hor yimid, waxaanu ku dheeraaday madax-banaaninada iyo dhexdhexaadnimada waaxda Garsoorka, ka dibna waxay qaar ka mid ah ka qayb galayaashii shirku halkaasi kuweydiiyeen su’aalo tiro badan oo dhinaca garsoorka. Su’aalaasi oo u badnaa dhinaca garsoorka, xoojinta cadaalada iyo madax-banaanida waaxda garsoorka.  Su’aalahaasina waxa ugu xiiso badnaa qaar ku saabsanaa saamaynta madaxweynuhu ku leeyahay guddida cadaalada iyo maxkmada sare, taasi oo sharaxaad uu ka bixiyey gudoomiyuhu Nidaamka dowladnimada Madaxweynaha ku dhisan ee aynu ku dhaqano iyo inuu jiro hab iyo xeer loo maro marka xilka laga qaadayo ayna yihiin Gollaha wakiilada kuwa ansixintiisa iyo xilka qaadistiisaba leh ee aanay la mid ahayn wasiirada la isku badalo markii la doono, laakiinse sababeynteeda iyo soo jeedinteeda Madaxweynuhu leeyahay.Sidoo kale su’aal dhinaca tacadiyada ciidanka Boolisku saxaafada u geystaan oo ay dhawr qof weydiiyeen waxa uu yidhi Gudoomiyuhu in waaxda fullintu ka Booliska hoos tagaan ee xukuumada balse ay Ciidankeena Boolisku dedaal badan muujiyeen markaad eegto duruufaha ku xeeran wakhtigfan xaadirka ahna aanu jirin suxufi xidhan. Waxaanu intaasi ku daray in haddiiba ay dhacdo in la xidho markuu maxkamada soo gaadho ay sii daayaan, isagoo caqabada ku sheegay xeerka saxaafada oo dib u habeyn ku socoto. Wakiilka Somaliland ayaa iyana dhinaceeda su ‘aal tan la mid weydiisey oo sheegtey in xadhiga suxufiyiintu tahay mid dhaawacaysa sumcada dibedda ee Somaliland oo had iyo jeer wax laga soo weydiiyo.

Kullankan ayaa wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u fiican waxaanay ka qaybgalayaashii shirku si aada ula dhaceen isbedelka muuqda ee uu Gudoomiyuhu ku sameeyay waaxda garsoorka muddadii dhawrka sanno ah ee uu Masuuliyadan hayay.   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here