Jaalliyada Somaliland ee Bristol oo qado sharaf ku maamuustey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee JSL + Daawo Sawiradii Kullanka Sharafta

0
191

Somalilandeye(Bristol)- Jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalafa Bristol ayaa qado sharaf ku maamuustey wasiirka arrimaha dibadda ee JSL Md Yassin Xaji Maxamud Faraton. Kullankan oo ay kasoo qaybgaleen wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya iyo masuuliyiin kale duwan, waxa ugu horeynba haddalo soo dhaweyn ah kasoo jeedjyay odayaasha Jaalliyada Bristol.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya ayaa waxa uu si qoto dheer uga waramay waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi muddii koobneyd ee tallada dalka haysay. Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Md Yaasiin Xaaaji Maxamoud Fartoon ayaa isna waxa uga xogwaramay Jaalliyada safar uu in muddo ah qaatay oo ku tagay dalka Maraykanka isagoo sheegay in uu kullamo lasoo qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka, Kaalliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Jaalliyada, kullamadaasi oo kusoo dhamaaday guul.

Wasiirku waxa sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, wadahadaladaasi oo ay sida uu sheegay wasiirku ay xukuumada tamarta yar ee farmaajo ka meereysanayso. Wasiirku waxa kale oo xusey in aanay waxba kama jiraan tahay dadka dhaliila siyaasadda arrimaha dibadda,Isla markaana ay meel fiican marayso maanta. Waxaanu qurbajooga Somaliland ku dhaliiley in ku mashquuleen intan danbe arrimaha gudaha ee Somaliland, looma baahan yahay inay culeyska saaraan arrimaha dibadda oo aanay isku hawlin inay khilaaf kale dhexdhigaan bulshada guddaha iyo dibadda. Waxaanu ugu baaqay wasiirku qurbajoogtu inay u midoobaan danta guud ee qaranka. Wasiir kuxigeenkii hore ee arrimaha dibadda Md Kaysar Maxamed Cabdilaahi iyo masuuliyiin kale. Kullankan oo ku dhamaaday jawi fiican waxa iyagu xubnaha kasoo qaybgalay ka mid ahaa Wasiir kuxigeenkii hore arrimaha Bulshada Cabdi Camuud, Agaasimaha ladagaalanka budhcad badeedka Maxamed Cismaan, Maareeyihii hore ee TV-Qaranka Khadar Cali Gaas, Salaadiin iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood mabadcelin balaadhan usoo jeediyay Jaalliyada reer Bristol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here