Wakiilkii Hore ee Qaramada midoobey oo lagu wado in loo soo magaacabo wadahadalada….

0
230

Somalilandeye (Newyork)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa wasrsaxafadeedkiisii uu dhawaan soo saaray ku caddeey sida ay uga go’an tahay in xal waara loo helo mushkilada Soomaaliya.

Haddaba sida ilo diblamaasiyeed oo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Somalilandeye waxa qayb ka ah sababaha looga ceydhiyey magaalada Muqdisho wakiilka Qaramada Midoobey, iyadoo ay ka go’neyd danjire Nicholas Haysom in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo adeegsanaya wakiilku waayo aragnimada uu u leeyahay arrimaha noocan oo kale ah, lana kaashanaya danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku usoo magacowday Soomaaliya oo ah maskaxdii ka danbeysay dhexdhexaadintii Jabhadihidii Tigreega iyo iyo Ereteriya ee ridey Xukuumadii Mingsto Xayle Marian, taasi oo horseeday madax banaanida dalka Ereteeriya. Waxaanay fikirka Mr. Haysom si aada uga hor yimid Xukuumadda Farmaajo oo tan iyo intii ay tallada Soomaaliya la wareegtey ka caga jiideysa in dib loo bulaabo wadahadaladii u dhexeeyay Somaliya iyo Somaliland.

Ilahaasi dimlamaasiyeed waxay intaasi ku dareen in dhawaan Xoghayaha guud ee qaramada Midoobey laga yaabo inuu u soo magacaabo Danjire Nicholas Haysom inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsanaan doona Qaramada Midoobey wadahadalada Soomaaliya iyo Somailand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here