Wasiirka Difaaca ee UK oo Wareysi uu Bixiyey Ku Sheegey Inay Dhawaan Saldhigyo Milatari Ku yeelan …

0
718

Somalilandeye (London)- Xoghayaha Gaashaandhiga ee dalka Boqortooyada Ingiriiska MR. Gavin Williamsom, ayaa Wereysi gaara oo uu dhawaan siiyay Jariidad Toddobaadlaha ah ee kasoo baxda Dalkan Britain waxa uu ku sheegay sida ay uga go’an tahay dowladda Ingiriiska inay mar kale noqoto quwad Militari oo lagu xisaabtamo, door muhiimana ka ciyaarta caalamka marka uu dalkani ka baxo Midowga Yurub.

Wasiirka oo ka hadlayaana waxa uu yidhi ” UK waxay noqon doontaa quwad dhaba oo jirta door muhiimana ka qaadata arrimaha caalamka marka ay UK ka baxdo Midowga Yurub, iyadoo ku yeelan doonta saldhigyo Milatari oo dheeraada caalamka sida waddamada Kareebiyanka (Caribbean) iyo Bariga Fog (Far East)”. Waxaanu intaasi ku daray in Booqortooyada Ingiriisku indhadhaynaso sidii fursado cusub oo ay ku xoojiso milatarigeeda u heli lahayd, maadaama ay tahay buu yidhi dhacdadii ugu weyn ee la soo derista UK tan iyo intii ka danbeysay dagaalkii 2aad ee dunida.

Wasiirka Gaashaandhigu muu magac dhabi meelna, laakiinse meelaha loo malaynayo inuu ujeeday inay xiiseynayaa sidii ay saldhigyo ugu yeelan lahaayeen waxa ka mid ah dalalka Singapore ama Brunie oo ku yaallla Koonfurta Badda Shiinaha (South Chine Sea), iyo Montserrat ama Guyana oo dhaca(Caribbean) iyo Badda Cas oo beryahan danbe isbedel xawli lehi ka socda indhaha caalamkuna kusoo jeedaan.

Haddaba booqashadan Wasiirka Difaaca ee UK ee Mr. Williamsom ku yimid Jamhuuriyada Somaliland waxay kusoo beegantay toddobaaad ka dib uun markii uu bixiyey wereysigan waxaana lala xidhiidhsiinayaa inay qayb uuun ka tahay hindisayaasha Xukuumada Britain ay rabto inay awoodddeeda Militari ku balaadhiso, iyadoo saldhigyo milatari oo cusub qoondeysan inay ku yeelato waddamo hore uga tirsanaan jirey Maxmiyadihii Boqortooyadii aan cadceedu ka dhici jirin ee Ingiriiska. Waxaana diirada lagu saari doonaa marin biyoodada Istaraatijiga ah ee dunida, gaaar ahaana si looga hortago is balaadhinta Shiinaha ee dunida.

https://www.independent.co.uk/news/uk/politics/brexit-uk-military-bases-caribbean-far-east-eu-global-player-a8703816.html?fbclid=IwAR2p_T1w9F-KDsV6B4mNT637RVAEXOuakhP4A_DAANMheOuLxpWQt6Lay28

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here