Al-Shabaab oo Askari Maraykana Ku Diley Soomaaliya

0
59

USA-(Somalilandeye)- Jarii’addada kasoo baxda dalka Maraykanka ee Wall Street, ayaa daabacday in askari Maraykana oo ah kuwa sida gaarka u tabababaran ee Dowladda tamarta daran ee Soomaaliya ka caawiya la dagaalkan argagixisada ay dileen Al-Shabaab. Askarigan oo magaciisa la odhan jirey Saajin Sgt. Alex Conrad waxa lagu diley weerar Alshabaab kusoo qaadey fadhiisin ciidamada Maraykanka ee sida gaarka ah u tabababaran iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku wada sugnaayeen. Saldhigaasi ayay kasoo yaaceen ciidamada dowladda federaalka ah dilka askarigaas Maraykanka ah saacado ka dib. Meydka Sgt Alex ayaa waxa garoonka dayuuradaha ee Muqdisho ka qaaday dayuurad ay leeyihiin ciidamadama Maraykanku isagoo la huwiyey calanka dalkaasi.

Warkan wargeyska Wall Street qorey ayaa cinwaan looga dhigey dagaalka kale ee aan dhamaad lahayn oo Maraykanku kula jiro Al-Shabaab. Waxayna intaas ku dartey inuu yahay dagaalkani mid ka mid ah dagaaladii taariikhda ugu dheeraa ee ciidamada Maraykanku galeen oo ay goobo badan ku jabiyeen kooxaha argagixisada ah balse aanay ka guuleysan, ayna daciifiyiiin laakiinse ayna baabi’in.

Waxaanu kusoo beegmay dilka askarigani isla toddobaadkan oo ay xooggaga Al-Shabaab weeraro argagaxisa ka fulliyeen caasimada dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen dhawr iyo labaatan qof. Waxaana sidoo kale toddobaadkan horaantiisii dalka Suuriya lagu diley askari kale oo Maraykana oo ay khaarajiyeen Kooxaha Dowladda Islaamiga ah sheegta ee ka dagaalama dalkaasi.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here