Shirkadda Genel Energy oo sheegtey in qoddida Ceelkii u horeeyay ee shiidaalka laga Bilaabi doono Somaliland

0
399

Somalilandeye (Europe)- Shirkadda Caalamiga ah ee Baadhista Shiidaalka Genel Energy ee ku hawlgasha Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartey waxay kaga warbixisey hawlaha qodida Shiidaalka ee ay ka wadaan Qaarada Afrika, gaar ahaan dalalka Morocco iyo Somaliland.

War-saxaafadeedkan waxa lagu cadeeyey in ay Shirkada Genel Energy soo dhameystirtey garaacidii iyo sahamintii (seismic processing) Ceelka Somaliland Barigeeda ku yaalla ee loo yaqaan Bloc 13 (SL-10-B/13 block) oo ay saami ah 75% ay shirkadda Genel Energy leedahay. Waxaanay intaasi ku dareen in wakhtigan xaadirka ah ay soo dhamaystireen xogtii baadhistaasi iyo macluumaadkii shiidaalka ee ay dhawrkii sanno ee u danbeeyay ay halkaa ka wadeen ceelkaasi, iyadoo horeba Genel u sheegtey in ceelkani ay ku jirto waxyaabaha shidaalka laga sameeyo (hydrocarbon potential) oo ay u badan tahay in shiidaal laga heli doono.

Sidoo kale waxay xuseen in Ceelkan Oodweyne ku rajoweyn yihiin in shidaal ku jiro, qodistiisana ay bilaabayaan sannadka 2020, waxaana loo baahan yahay uun bay yidhaahdeen in la sameeyo uun dib u eegista xogtaasi iyo qiimeyn kama danbeysa inta ka horeysa sannadka soo socda.

Halka ay xuseen in ceelka Morocco laftiisa ay hawshiisu gabogabo ku dhawdahay, lagana sii waddi doono sannadkan habka PSTM iyo PSDM ee baadhida shiidaalka.

Source: Petroleum Africa

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here