Wasiirkii hore ee Isgaadhsiinta ee Itoobiya ahaana gacantii Midig ee Siinaawi oo xabsiga loo taxaabay

0
120

Addis Ababa (Somalilandeye)- Dowladda Itoobiya ayaa Xabsiga u taxaabtey wasiirkii hore ee Isgaadhsiinta ee Itoobiya Mr. Bereket Semon saaka subaxdii hore, waxaana laga soo qabtey gurigiisa uu ka degenaa magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.

Mr. Bereket waxa lala xidhey xubin sare oo ka tirsan Xisbiga amxaarada ee loo yaqaan Dhaqdhaqaaqa Waddaniga demoqraadiga ee Amxaarada (Amhara National Democratic Movement Party) oo labadoodaba laga eryey bishii April ee sannadkii tagay. Wararku waxay intaasi ku dareen sababta loo qabtey labadan siyaasi ay tahay in lagu tuhunsanyahay in inay si khaldan oo sharciga waafaqsanayn ugu takrifaleen kharash ay lahayd shirkad ka hawlgasha Gobolka Ismaamulka Amxaarada.

Ex. Wasiir Bereket waxa uu ahaa gacantii midig ee raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, waxaana lagu tilmaami jirey .ninka ugu saamaynta badan hogaanka sare ee TPLF.

Haddaba tan iyo intii uu tallada dalka la wareegey raysal wasaare Abby Ahmed waxa socotey xadhig isdaba jooga oo lagu beegsanayay masuuliyiintii sare ee Xukuumadii hore, taasi oo dareeg adag ay ka muujiyeen qoomiyada Tigreegu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here