Rabashado Dad ku Dhinteen oo ka Dhacay Magaalada Dirdhaba

0
364


Dirdhaba (Somalilandeye) – Magaalo madaxda labaad ee Itoobiya Dirdhaba ayaa rabshado hor lihi kasoo cusboonadeen, waxaana shanti maalmood ee u danbeeyay ka socdey mudahraadyo iyo isku dhacyo u dhexeeyay ciidamada amaanka iyo dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi , iyadoo dhanka kalena ay jiraan isku dhacyo magaaladaasi ku dhex maray Somalida iyo Oromada. Hase yeeshee waxa lagu soo waramayaa in dibadbaxyadan u danbeeyey ka dhasheen ka dib markii koox dad ahi dhagaxtuur ku sameeyeen meel kiniisada oo loogu dabaaldegayay Ciida sannadka cusub ee Madhabta Orthodox ka, kuwaasi oo markii danbe magaalada ku baahay kana socda maalintii shanaad. 

Mayorka magaalada Dirdhaba ayaa maalintii shalay digniino adag kazoo saaray dadka rabshadaha wada inkastoo ay u muuqato in aan dheg jalaq loo siin oo wali dibad baxyadaashi magaalada ka socdaa.

Wararka u danbeeyay ee magaalada Dirdhaba ka imanayaana waxay sheegayaan in ugu yaraan hal qof ku naf waayey isku dhacyadaasi halka tirro dad ahina ku dhaawacmeen. Waxaana ilaa manta soo baxaya cabashooyinka dhanka Soomaalida ka imanaya oo sheegaya in si gaara ciidamada amaanku u bar tilmaameedsanayaan dadka Soomaalida isir ahaan ka soo jeeda. Dadkan banaanbaxayay ayaa waxay gubayeen taayiro iyagoo dab qabadsiiyey xaruntii Qabaleega 5aad ee magaaladaasi. Sidoo kalena waxay sameeyeen biiliqo iyo burbur ay u geysteen meheradaha qaarkood. Markii danbena waxa uu isku badalay mid lagaga soo horjeedo mayorka ,magaaladaasi Mr. Ibrahim Usman oo ay ku dhawaaqayeen inuu iscasilo. Dhinaca kalena waxa dadka qaar ku eedeeyeen dadka waxan ka danbeeya koox taageersan madaxweynihii hore ee DDS Cabdi Maxamuud Cumar.

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (Ethiopia Defense Forc Eastern Post) ee Qaybta Bariga ayaa wakhti aan fogeyn xaalada soo faragaliyey oo wadahadalna la yeeshay dhalliyaradan dibadbaxa dabada ka riixeysay oo cabashadoodu u badan tahay qaabka awood qaybsiga ee maamulka magaaladu ku dhisan yahay. Waxaana Ciidankan Difaaca Itoobiya dhawaan uun ku guuleysteen inay hub ka dhigis ku sameeyaan jabhadii Oromada ee OLF oo ay heshiis buuxa wada galeen.

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here