Suldaanka Wabar oo loo diidey inuu Ka Hadlo Shirkii Beesha Samaroon ee Aw-Barre

0
215

Boorame(Somalilandeye)- Shirka dhawaan uga furmey degmada Aw-Barre beelaha Samaroon oo si habsami ah u socda, ayaa Suldaan Wabar loo diidey inuu ku hadlo afka Beesha Jibriil Yoonis ee Samaroon.

Beesha Jibriil Yoonis ayuu Ugaaska guud ka dalbaday Ugaas Cabdirashiid in aan Suldaan Wabar ku hadli karin magaca Beesh Jibriil Yoonis, isagoo sheegey in labada Suldaan ee Suldaan Xasan Haddi Baade iyo Suldaan Muuse Suldaan Cali Madar uuni ku hadli karaan magaca beesha Jibriil Yoonis.

Suldaanka falaagada ah ayaa markii danbe meel shirka dibadiisa ah caruur iyo dhalliyaro kula hadley isagoo aanay u suurtagalin inuu shirka gudahiisa ka hadlo. Mar aanu la xidhiidhney cuqaasha iyo odayaasha beesha qaar ka mid ahina waxay noo xaqiijiyeen in ay ka horistaageen Suldaan Wabar inuu halkaasi ka hadlo iyagoo diidan fikirkiisa xagjirnimada ah hase yeeshee meel shirka ka baxsan uu saxaafada kula hadley.

Suldaan Wabar oo in muddo ah saaxada ka maqnaa tan iyo intii laga mustaafuriyey Itoobiya, ayaa dhawaan ay isaga iyo Prof Somaliland diidka ah Cabdi Ismaaciil Samater soo gaadheen magaalada Jigjige ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, ka dibna u soo dhaafey degmada Aw-Barre ee Shirku ka socdo halkaasi oo uu kale kulmey waji gabax.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here