Qaadkii ugu Tirada badnaa oo Hindiya Lagu Qabtay

0
121

New Delhi(Somalilandeye)- Qaadkii ugu tirada badnaa ee abid si koontarabaan ah loo soo galiyo dalka Hindia ayaa lagu qabtay caawa garoonka Dayuuradaha ee caasimada New Delhi, qaybtiisa Kaargo ( IGI Airport, Cargo terminal).

Qaadkan oo sida ay ciidanka ilaalada kastamadu sheegeen in laga soo dhigey Shaaha cagaaran (Green Tea), ayaa lagu qiyaasay inuu dhamaa qiyaastii lix boqol oo kiilo (600Kg). Sida ciidanka ilaalada kastamadu sheegeen waxa qaadkan laga keenay dalka Itoobiya waxaana si koontarabaana la is lahaa u soo galiya dalka Hindiya.

Baadhitaano ciidanku sameeyeena waxa lagu soo qabqabtay laba ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo qaxooti ahaan ku jooga dalka Hindiya. Dalka Hindiya qaadka waxa uu xsaabsan yahay sida waddamo badan oo caalamka ahba mid maandooriye ah, waxaana laga xaaraantimeeyay dalkaasi sannadkii 1985-kii, markaasi oo sharci lambarkiisu ahaa NDPS Act. 1985.

NEW DELHI: The customs department has seized 600kg of banned ..

Read more at:
http://timesofindia.indiatimes.com/articleshow/67859934.cms?utm_source=contentofinterest&utm_medium=text&utm_campaign=cppst

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here