Shiinaha iyo Jaban oo Sannadkan Lagu Mudahraaday Maalinta Jaceylka & Taariikhda Maalinta

0
111

Netherland (Somalilandeye)- Waddamada Jaban iyo Shiinaha ayaa sannadkan dad badan oo ku nooli si aada uga soo horjeeteen dabaaldega maalinta Jaceylka dunida oo si xoogan ugu faaftey dunida tan iyo intii ka danbeysay dagaalkii 2aad ee dunida.

Dadweynaha ku dhaqan dalka Jaban oo sannad kasta ay kaga baxdo maalintan oo kale Jokleetka oo kaliya (Chocolate) lacag kor u dhaaftey 5 bilyan Dollar, ayaa sannadkan ku baaqay in la badalo qaabta loo xuso maalinta Jacaylka. Waxayna soo jeediyeen in gabadh kastaa usoo iibiso oo siiso Jokleet (Chocolate) ninka la shaqeeya.

Dhanka kalena waxa toddobaadkii tagay dibadbax kasoo horjeeda maalintan sameeyay urur la yidhaa Dhaqdhaqaaqa Isutaga Kacaanyahanada Dadka ee loo yaqaan (the Revolutionary Alliance of Unpopular People (RAUP) ), kuwaas oo ku baaqay in aan la xusin maalintan Valentine ka ee jacaylka oo ay ku tilmaameen mid salka ku haysa nidaamka Hantigoosiga ah oo dadka ku khasbaya in ay qaataan dhaqankooda ah in la cuno oo la iibsado xadi badan oo Cuntada iyo hadiyadaha maalintaa loo sameeyo. Waxa kale oo ay wax laga xumaado ku tilmaameen in dadka aan lamaanaha ahayn oo ah kale badh bulshadu inaanay haysan cid siisa hadiyada maalintan oo aanay xusi karin, taasi oo ay sheegeen in tahay mid niyadjab ku ah mooralka Aadamaha. Sidoo kale waxa sannadkan sii ayereeyey xuska maalintaasi ee dalka Shiinaha dagaalka Ganacsi ee ka dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha .

Haddaba maalmo badan oo dunida loo asteeyey waxyaabo gaara sida maalinta Hooyada, aabbaha , maalinta Hadiyadaha la isa siiyo ee Maraykanka,Chrismas-ka, Easterka, Iyo qaar kale oo badan ayaa waxa noqdeen kuwo isku badalay maalmo ganacsi oo shirkadaha iyo dukaamada waaweyni ku iibiyaan alaabo maalintaasi ay ugu tallo galeen, halkii ay hore u ahaayeen maalmo la xuso uun, taasi oo isbedelka ku yimid loo aaneynayo nidaabka dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Hantigoosiga oo dhaqdhaqaayada kasoo horjeedaa isa soo tarayaan

Dalka Shiinaha ayaan isna banaanbax kan la mid ah laga sameeyey oo lagaga soo horjeedo maalintan oo sida sheegeen dhiirigalinaysa Dhaqanka Nidaamka Hantigoosadka ku salaysan ee maadiga waxay bulshada ugu baaqeen in aan la xusin maalintan.

Maxaad ka taqaan maalinta Jaceylka Aduunka? Diinta Islaamkuse ma ogoshahay Maalinta in la weyneeyo oo loo dabaal dago?

Waxaa naxdin ah in maalinta taarikhdu tahay 14 February oo ku beegan Maalinta Jimcaha ah ay dad Muslimiin ah ay xusayaan Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Roman kii hore!.
Waxaan galaynaa meel walba oo ay gaaladu galaan waxaana samaynaynaa wax walba oo ay gaaladu sameeyaan, xataa waxaan la galnay cibaadadoodii iyo xusaskoodii ay ku waynaynayeen dad ama wax ay caabudi jireen.
Hadaba waxaa loo baahan yahay in aan iska fiirino oo aan wax aqrino, waa inaan ogaanaa waxa aan sameyneyno waa maxay? diintu maxay ka leedahay? yaana noo keenay?.

Qoraalkaan waxaan ku sharixi doonaa waxa uu yahay Valentine’s & halku kaso bilowday & diintu waxa ay ka qabto.

Asalka Valentine’s Day ama maalinta jacaylka aduunka Maxay tahay?

Marwalba oo ay taariikhdu ku beegantahay 14 February waxa dunida gaalada looga dabaal dagaa maalin loogu magac daray St. Valentine (Valentine’s Day) ama Maalinta Jacaylka, laakin waxaa iswaydiin mudan waa kuma ninkaasi? Maxaana loogu dabaaldagaa maalintaas & magiciisa Valentine maxaa keenay?

Blurry hearts
Valentine’s Day ama Maalinta Jacaylka waa xasuus ama xus la xuso Christian (Kirishtan) iyo Roman –kii hore. Marka aan isweydiinno kumuu ahaa Saint Valentine, muxuuna ugu xiran yahay xuskaas diimeed?

Maalintaas waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Roman ka. Romain kii hore, 14th Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno. Juno waxay ahayd boqorad kamid ah Ilaahyada Romanka. Romans ka waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno ilaaha haweenka & guurka, maalinta ku xigta oo ah 15th Feb, waxaa bilowda xuska Lupercalia oo isna ahaa wax ay caabudi jireen.

Taariikhda Valentine’s Day

Nolosha wiilasha & gabdhaha waa ay kala fogayd xilligaas, wax yar ka hor u dabaal dagida Lupercalia magacyada gabdhaha Roman ka waxaa lagu qori jiray warqado isla markaana waxaa lagu dhajin jiray sabuurad, wiilasha dhalinyarada ah waxay ka dooranaayaan gabadha ay rabaan waxayna haysanayaan inta uu socdo dabaaldagaas, markaas kadib ayaa laga yaabaa inay ilmo ka dhex dhashaan oo ay kadib is jeclaadaan ama is guursadaan.

Maamulka boqortooyadii la oran jiray Emperor Claudius II Rome wuxuu gali jiray dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor ka Claudius wuxuu ku dhibanaa in uu helo askar si uu u xoojiyo milatarigiisa iyo dagaalada uu galayo, wuxuu rumaysnaa in aynan raga Romans ka aynan rabin inay ka tagaan jeceelkooda & qoysaskooda, boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuuxuna mamnuucay in la isguursado si ninku unaan u yeelan qof uu ku xirnaado.

Valentine xiligaas wuxu ahaa wasiir dhinaca kaniisadaha & diinta kana tirsanaa dowladii Claudius II. Isaga iyo Saint Marius waxay taageereen dhibanayaashii Christian (Kirishtanka) ahaa oo loo diiday guurka, dhowr qofna si qarsoodi ah ayay isugu dareen, arintaas daradeed Saint Valentine waa laqabtay waa la xiray waana la garaacayay ilaa uu ka dhinto.

14th February ayaa waxaa dhintay Saint Valentine, sanadkiisii 270. Taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo la xuso sanad walba bisha February (Lupercalis), waana la faafiyay ayadoo lagu waynaynayo waxa ay ku sheegaan ilaaha Lupercalis.

Madahibta Protestan (Protestant Christian Church) ka ee Rome waxay iyadana dooratay ama aqoonsatay Saint Valentine’s Day (Maalinta Jacaylka Aduunka) in la dabaaldago sanad walba 14th February.

Diinta Islaamka iyo xusaska ceynkan ah ?

Nebiga SCW ma qirin caadooyinka gaalada iyo wixii la caabudi jiray xilligii jaahiliyada. Anas RC waxaa laga weriyay in Nebiga uu yimid magaalada Madiina oo ay dadku leeyihiin 2 maalmood oo ay ciyaaraan. Wuxuu yiri maxay yihiin maalmahaan? Dadkii waxay ugu jawaabeen: waa maalmo aan ciyaari jirnay xilligii jaahiliyadda.

Nebiga SCW wuxuu yiri: Allaah wuxuu idinkugu beddelay 2 maalmood oo ka kheyr badan oo kala ah labada ciidood ee Carafada iyo ciidda Soon-fur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here