Ganacsatada Kenya & Soomaaliya oo ku dhawaaqay inay joojiyeen qaadkii Kenya ka imaan jiray

0
69

Ganacsatada Kenya ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay inay joojinayaan qaadka ay u diraan dalka Soomaaliya , iyagoo ku taageeraya go’aanka xukuumada Kenya hoos ugu dhigtey xidhiidhkii diblamaasi ee ee labada ka dhexeeyey.

Dhanka kalena ganacsatada Soomaaliya ee qaadka ka keenta dalka Kenya ayaa gabi ahaanba ku dhawaqay inay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalkaasi.

Hadalkan ayaa maanta waxaa Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Guddiga qaadleyda Soomaaliya Qooje Maxamuud Qayliye oo sheegay inay maanta ugu dambeyso qaad laga keeno dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here