War Deg Deg Madaxweyne Farmaajo oo ku hungoobey in Sida Kenya Loo Geeyey Loo Keeno Somaliland

0
257

Hargeysa( Somalilandeye )-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ku hungoobey maanta inuu usoo raaco booqasho aan lasii shaacin oo uu rabay Raysal wasaaraha Itoobiya Mr. Abby Ahmed inuu ku yimaado Somaliland.

Booqashadan ayaa markii dowladda Somaliland ka warheshay inuu Raysal wasaaraha Itoobiya uu ka codsaday Madaxweyne Farmaajo inuu soo raaco, dib loogu dhigey bisha April ee sannadkan sida ay ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Somalilandeye. Waxaana la sheegey in Madaxweyne Muuse Biixi ka cudur daartey markiiba oo go’aanka uu gaadhayna ay si aada u soo dhaweeyeen golayaasha qaranka Somaliland oo mar danbe ka war helay.

Raysal wasaare Aby Ahmed ayaa markii danbe Safar kale oo u sii qorsheysnaa u kaxeeyey Madaxweyne Farmaajo, inkastoo ay si aada u dhaliileen safarka Farmaajo siyaasiyiinta Iyo shacabka Soomaaliya Intooda badan oo ku tilmaamey mid hoos dhac Weyn ku keentey Haybadii Soomaaliye oo Kenya ay xuduud dhinaca bada ah isku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here