Abu-dhabai-09-03-2019-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa gaadhay waddanka imaaraadka carabta ka dib marti-qaadkii rasmiga ahaa ee uu ka helay wadankaas Madaxweynuhu maantana ugu safray Imaaraadka Carabta.

Waxaana madaxweynaha si meeqaam sare leh ugu qaabilay madaarka Albateen airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada wadanka UAE, waxaana weftiga Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda imaraadka carabta.

Image may contain: one or more people

Meeqaankan lagu qaabiley Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland iyo Weftigiisa ayaa ah mid qiimihiisa leh oo ka turjumaya xidhidhka wanaagsan ee horumarka laga gaadhay ee dhidibada loogu taagay arrimaha la xidhiidhka ganacsiga, arrimaha bulshada, iyo dhinacyada siyaasada ee Imaaraadka iyo Somaliland, muddooyinkii u danbeeyey ay ka wada shaqaynayeen.

Allaa Mahd leh

Image may contain: 2 people
Image may contain: one or more people and people standing
Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: 1 person, smiling, sitting
Image may contain: 1 person, shoes
Madaxweynaha oo qolka martida ku sugan
Image may contain: one or more people
Madaxweynaha oo dayuurada horteeda lagu qaabiley
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Cutubyo Ciidamada UAE oo u diyaara soo dhaweynta Madaxweyne Biixi
Image may contain: 2 people
Madaxweynaha oo salaan Sharaf ka qaadanaya Cutubyo Ciidamada UAE
Image may contain: one or more people and people standing

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here