Madaxweynaha JSL iyo Weftigiisa Oo Habeen Danbe Kullan La Qaadanaya Jaalliyada UAE

0
132

Abu-Dhabi(Somalilandeye)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Cabdi, ayaa kullan balaadhan la qaadan doona Jaalliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Imaaraadka Carabta habeen danbe saacadu markay tahay 07:00 pm- 11:00 pm (taariikhda 13.03.2020), kullankaasi oo lagu qaban doono Huteelka caanka ah ee Bab Al Qasr Hotel ee ku yaal magaaladda Abu Dhabi.

Kullankan oo ujeedadiisu tahay inay uga xogwaramaan Madaxweynaha iyo weftigiisu Jaalliyada UAE ku nool waxyaabihii u qabsoomey iyo kullamadii ay la qaateen Masuuliyiinta Sare ee Imaaraadka Carabta, xaalada guud ee dalku marayo isbedelka mandaqada aynu ku naal ka socda.

Haddaba waxa lagu wadaa in Jaalliyada Somaliland si mug iyo miisaan leh uga soo qayb gali doonaan xafladaasi haddi allah idmo.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here