Madaxaweyne; Haddii sharcigu sareeyo hantida Ummaddana la Ilaaliyo Hore Loo Soconayaa.

0
153

Hargeisa { Somalilandeye } Tan iyo intii xukuumadihii kale danbeeyey ee Kulmiye tallada dalka qabteen waxa si xawli ah u kobcay dhaqaalaha dalka guud ahaanba ha noqoto mid gaar loo leeyahay iyo kan ummadda ka dhexeeyaba. Korodhkaasi dhaqaale waxa dhinaca socdey oo soo kodhayey musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta lagu hayo hantida qaranka oo aakhirkii dalka galin gaadhay inuu kaco oo deyn badan lagu yeesho (Bankruptcy).

Shacbiga Somaliland-na waxay si aada ugu wada riyaaqeen tallaabadii u horeysay ee Madaxweynuhu ku qarameynayay Hantida qaranka ee sifaha khaldan gacanta dadweynaha ku gashay sida haamihii, laabka, dhulkii raasiga Berbera, Duulista & Hawada iyo guryaha dowladda. Go’aankan oo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland meel ay joogaanba si aada u soo wada dhaweeyeen muxaafid iyo muxaafidba, taasi oo sumcada xukuumadana kor u qaaday.

Sidoo kale hantidhawrka qaranka ayaa isna baadhitaano lama filaan ka bilaabay hayaddaha dowladda iyo wasaaradaha qaarkood, kuwaasi oo ilaa hadda markii u horeysay Somaliland loo xidhay masuuliyiin sare oo xukuumadda xilal ka haysay ayna ka mid yihiin maareeyihii hore ee madbacada qaranka, agaasimihii guud ee Warfaafinta iyo agaasimihii maamulka iyo lacagta oo markii labaad ee la xidho ay tahay intii tallada dalka Xisbiga Kulmiye hayay.

Sida ilo xogogaal ahi u sheegeen Somalilandeye-na wax isdaba marinta dhacdey muddadii koobneyd ee tallada dalka uu hayay Madaxweyne Muuse Biixi aanay intaas uun ku koobnayn ee meelaha ilaa iyo iminka Hantidhawrka Guud ee qaranku baadhay ee wax isdaba marin lagu hayo ay ka mid yihiin wasaaradaha waxbarashada, Gaashaandhiga, Qorsheynta, D/hoose ee Hargeysa, Warfaafinta, Duulista , Gaashaandhiga iyo Maalliyada oo si lama fillaana dhamaanba masuuliyiintii madaxweynuhu u magacaabay mar kaliya looga wada badalay.

Haddaba Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay Shacbiga Somaliland eegayaan go’aamada adag ee aad ka qaadato iyo meesha aad iska taagto lunsiga Hantida Qaranka oo cashar u noqon doonta qof kasta oo isku daya inuu lunsado hantida ummadda oo musuqmaasuqo. Anagoo xasuusineyna Madaxweyne Biixi in maanafeestadii Ololaha Doorashada uu ku galay ee lagu doortey ay meel sare kaga jireen halkudhigna ayu ahaayeen Sharcigu inuu sareeyo iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa.

Shacbiweynaha Somaliland-na waxay ka siman yihiin oo kugu garab taagan yihiin dhamaantood labadaa qodob waxaanay kaaga fadhiyaan in xataa haddii ay seeftu qaadayso qaar ka mid ah Wasiiradaada in sharcigu sareeyo oo hawshaasi uu hantidhawruhu bilaabay aynu ku garab istaagno oo meel looga soo wada jeesto kuwa ku mamay boobka hantida qaranka iyo shillimaadka canshuurta ah ee laga soo uruuriyo islaamaha tamaandhada bacadka la fadhiya.

Madaxweyne; Haddii sharcigu sareeyo hantida Ummaddana la Ilaaliyo uunbaa Hore Loo Soconayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here