Madaxweyne Bashiir oo Xukunkii Laga Tuurey & Suudaan oo Haysa Waddadii Masar

0
222

Hargeysa(Somalilandeye)- Madaxweynihii dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa ciidamada milatariga ee dalkaasi talladii kale wareegey, iyagoo ka sheegey telefiishanka dowladda in dhawaan ay soo saari doonaan war murtiyeed degdega, iyagoo shaqadii ka fadhiisiyey sida ay sheegeen Madaxweynihii ugu cimriga dheera dalka Suudaan Al-Bashiir oo ay raadineyso Maxakamada Caalamiga ah ee Danbiyada.

Ciidamada ayaa saaka arooryadii hore la wareegey dhamaan hay’addaha dowladda, wasaaradaha iyo qasriga madaxtooyada waxaanay xabsiga u taxaabeen madaxweyne xigeenkii, madaxii xisbiga tallada dalka haya iyo masuuliyiin kale. Garoonka caalamiga ah ee Khartuum Airport ayaa isna la xidhay, oo la joojiyey duulimaadyadii soo degi lahaa ama ka duuli lahaa. Waxaana la sheegey in iqilaabkan ee ay ciidamadu horseedka ka yihiin oo ay hogaaminayaan Wasiirka gaashaandhiga ee dhawaan uu magacaabay Al-Bashiir Axmed Awad Ibn Cawf iyo taliyaha ciidamada Gen. Cabdifataax.

Isbedelkan Suudaan ka dhacay maantu wuxuu ka danbeeyey kacdoon shacbi oo socdey muddo dhawr bilood ah oo ay wadeen dadweynaha dalkaasi oo ka mideysnaa in ay tallada dalkaasi ka tuuraan Cumar Al-Bashiir, oo 30-kii sanno u danbeeyey tallada dalkaasi xoog ku haystey. Cabashada iyo cadhadan waxay ka dhalatay ka dib markii qiimaha maciishadu cirka isku shareertey, iyadoo dowladu canshuuro dheeraada ku soo rogtey.

Muddadaas soddonka sanno ah waxa dalkaasi ku yimid dib u dhac weyn oo Suudaan u qaybi laba dal iyo dagaalo sokooye oo kale qoqobay Suudaan. Dhaqaalaha dalkaasi ayaa isna afka dhulka daray oo fakhri badan oo ka dhacay dalkaasi sababay, iyadoo Suudaan ay ahaan jirtey dal ku hodana wax soosaarka beeraha oo dibada u cunto badan u dhoofin jirtey, ahaydna halka laga quudiyo ee laga soo saaro cuntada dalalka Carabta lagu cuno.

Inqilaabka ayaa waxa uu u muuqdaa mid la mid ah kii xukunka lagaga tuurey Xusni Mubaarak-gii Masar, isagoo ciidamada kacdoonkii ka dib u dhiibey talada dalkaasi, waxaana lagu tuhmayaa inay ka danbeeyaan dalka Imaraadka Carabta iyo Masar.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiirna wax war ah laga hayo halka uu ku sugan yahay, waxa la filayaa inay ciidamadu goor dhaw qaban doonaan shir jaraa’id oo ay isbedelka dhacay kaga waramayaan.

Haddaba dadka reer Suudaan ayay ka go’an tahay in aanay dalkaasi talladiisa dib ugu soo noqoto gacanta rayidka, isla markaana aanay aqbali doonin nidaam la mid ah ka Masar ee milatariga ah. Waxaanay uga digeen ciidamada dalkaasi in ay ku dhaqaaqaan tallaabo taasi la mid ah, iyagoo ugu baaqay durba in lasoo dhiso dowlad ku meel gaadha oo rayidku gacanta ku hayaan, haddii kale ay ugu baaqi doonaan in lasii wado dibad baxyadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here