Dowlada Ingiriiska oo soo saartey Xeer Cusub oo Xadhig ay ku Muteysanayaan Dadka Jooga Degaanada Argagixisadu Xukunto

0
63

London (Somaliandeye)- Dowlada Boqortooyada Ingiriiska, ayaa maanta soo saartey Xeer Cusub oo Xadhig ay ku Muteysanayaan Dadka uga dhoofa dalkan inay ka mid noqdaan, taageera, Gacan siiyaan ururada argagaixisada ee ka dagaalama dalkan dibadiisa ama jooga ee ku nagaada degaanada ay ka taliyaan aragagixisadu, iyagoon u joogin sabab cad oo macquul ah sida samofal ama war tabin. Sidoo kale waxa uu xeerkani danbiile ka dhigayaa dadka qayb ka noqda ama si uun u taageera falal argagixiso oo laga fulliyo dalkan dibadiisa.

Xeerkani waxa uu ka reebayaa dadka weriyaasha ah ama samofalka ka wada degaanada argagixisadu gacanta ku heyso iyo dadka u taga tacsi qaraabadooda ah ama sifo kale oo sharciga waafaqsan. Waxaana sida uu dhigeyo qofkii ay ku cadaato inuu galay joogay ama galay fal argagixiso ama si uun uu u taageeray uu muteysan doonaan Xadhig ilaa 10 sanno oo xadhiga.

Xeerkan waxa uu ka dhashay ka dib markii dhalliyaro badan oo dalkan UK u dhashay oo u dagaal tagay dalalka Suuriya iyo Ciraaq oo taageerayay xoogagii xagjirka ahaa ee dowladda Islaamka, kuwaasi oo qaar ka mid ah loo diidey inay dib ugu soo laabtaan dalkan, halka qaar kalena la filayo markay soo noqdaaan inay la kulmi doonaan xadhig.

Xoghayaha arrimaha Guddaha ee dalka UK Mr Sajid Javid oo xeerkan soo saaristiisa leh saxeexayna ayaa waxa uu u baahan yahay si uu u dhaqan galo inuu ka ansixiyo Baarlamaanka UK, qaybtiisa qeexaysa degaanada uu khuseyn doono ee sida loo kale xadeynayo.

Xeerkan ayaa waxa uu dood badan kale kulmi doonaa aqalka Baarlamaanka ee UK, waxaanu qayb ka yahay dedaalka Dwolada Ingiriiska iyo dalalka kale ee reer Galbeedku ugu jiraan xakamaynta dadka u dhashay dalkaasi ama dhalashadooda haysta ee u dagaal taga degaanka xoogaga xagjirka ahi gacanta ku hayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here