ETV oo sheegey In lagu qabatay lacag Tiro badan oo dalka si Sharci Darro ah looga Saarayay (Bole Airport & Wajaale)

0
35


Somalilandeye (Addis Ababa)- Kastamada garoonka caalamiga ah ee Bole Airport ee magaala madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa iyo Degmada Wajaale ee ku taalla xuduudka u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland ayaa lagu qabtey lacag kaasha oo xadigeedu badan yahay. Sida ay caddeeyeen masuuliyiinta Kastamka Itoobiya Madaarka Addis Ababa waxa lagu qabtey lacag tdddobadii bilood lacagayow kale duwan oo kale ah sidan 2,360,334 U.S. dollar, 332,310 Euro, 115, 917 Saudi Riyal, 24,320 British pound and 1.5 million Ethiopian birr. Halka magaalo xuduudeedka Wajaalena lagu qabtey dhawaan lacag dhan US$ 180,000, lacagahan oo dhamaantood si sharci darro ah looga saaray dalka Itoobiya ayaa loo soo qabqabtey dad tiro badan oo ku lug lahaa tahriibinta lacagtan adag ee dalka looga saaray sifo sharci darro ah. Warkan oo laga sii daayay ETV, waxa uu intaasi ku daray in isku darka lacagta la qabtay ay dhan tahay 83.8 million Ethiopian birr. Sidoo kalena gacanta ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen alaabooyin kale oo dalka sharci darro lagaga saaray oo ay ka mid yihiin Coffee, dahab, silver, qaad iyo alaabooyin kale oo u dhigma lacag dhan 90 billion oo Birr. Haddaba tan iyo intii ay dhacday xukuumadii hore ee Itoobiya waxa soo badanayay lacagaha dalkaasi ay kale baxayeen masuuliyiintii hore ee tallada dalka haysay iyo dadka Ganacasatada ah oo laftigoodu raba in lacagahooda badhkood dibada ku keydsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here