Nin 33 Sanno ka Hor lagaga Tagay Gatwick Airport oo Heley Waalidkii Dhalay

0
59


London (Somalilandeye)- Nin in ka badan 30 sanno aan ogeyn waalidkii dhalay, ka dib markii lagaga tagey Garoonka Gatwick dhexdiisa ayaa ugu danbeyntii ogaaday waalidkii Dhalay.

Steve Hydes oo loo yaqaan Gary Gatwick oo loogu magac daray ninkii heley iyo madaarka magaciisa , waxa lagaga heley Musqul ku taalla South Terminalka Garoonkaasi

Waalidka ninka ayaa la heley ka dib markii laga qaaday DNA, waxaana lagu ogaaday in Hooyadii dhimatay, hase yeeshee aabbihii iyo hablo ay walaalo yihiin ay nool yihiin, inkastoo aanay ka war hayn inuu jiro walaalkood Steve. Waxaanu yidhi Steve oo la hadlaya saxaafadu ” Shan iyo toban sanno ka dib oo aan raadinayay waalidkey iyo reerkayaga waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta helo qoyskaygii, waxaanan u mahadcelinayaa dhakhaatiirtii iyo cid kastoo iga caawisey raadinta qoyskeyga. Nasiibdarro Hooyadey wey dhimatey, sidaa daraadeed kama jawaabi karro wixii dhacay 33 sanno ka hor iyo sababta ay u dhacdey”.

Ninkan ayaa waxa uu 33-kaa sanno uu u haystey xasuus iyo caddeyn qofka uu yahay bustihiisii, teddy bear-kii uu heystey markii la helay iyo sawiradii laga qaaday maalintaasi.

Tan iyo intii la fududeeyey baadhitaanka DNA waxa soo baxayey dad badan oo aan ogeyn cidda dhashay ama halka ay asal ahaan ka soo jeedaan oo caddeynta DNA ka dib la midoobey reerihii ay kasoo jeedeen, halka kuwa badan oo la noolaa qoysas ay u heysteen inay dhaleen ay heleen iyana waalidiintoodii saxda ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here