Talihii Hore ee Jeel Ogadeen oo laga Soo Qabtay Soomaaliya

0
141

Somalilandeye (Hargeisa)- Taliyihii hore ee Jeelkii Cabdi Iley u Samaystey Ciqaabta shacbiga DDS Xasan Ismaaciil Ibraahim, ayaa laga soo qabtey degmada Goldogob ee badhtamaha Soomaaliya tuullo ku taalla oo uu in muddo ahba ku dhuubanayey.

Ururada u dooda xuquuqal insaanka ayaa si aada uga qayliyey ciqaabta iyo garaacida joogtada ah ee dadka lagu soo xidho Xabsigan loogu geysan jirey Jeel Ogaadeen, kuwaas oo intooda badan loo aaneynayey inay xidhiidh la leeyihiin Jabhada ONLF, xabsigaasi oo uu masuulka madaxda ka ahaa uu ahaa ninka. Waxaanay in badan oo ka mid ahi u dhiman jireen jil dilka loogu geysto Jeelkaasi.

Taliyahan Jeelka ee lasoo qabtey ayaa ah kii labaad ee masuulkii labaad ee ka mid ah madaxii jeel Ogaadeen ee la xidho, iyadoo hore loo soo qabtey Col. Shamaahiye Sh Faarax oo ahaa Korneyl ka tirsan ciidanka Liyu Police-ka.

Haddaba tan iyo intii isbedelka siyaasadeed ee uu hoggaaminayo Raysal Wasaare Abby Axmed ka hana qaadey dalka Itoobiya loona doortey Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Madaxweyne Mustafe Cumar waxa la qaadey tallaabooyin siyaasadeed oo furfuran, taasi oo horseedey in albaadada loo laabo Jeel Ogaadeen oo ku suntanaa ciqaabta iyo cagojugleyntii Maamulkii Cabdi Iley.

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here