S/LAND’ DADAALADA AQOONSI RAADISKA IYO DABINADA CADAWGA

0
83

Hargeisa: Mudo 28sano ah oo jamuuriyada somaliland ay ahayd qaran madax banaan oo dib ugala soo noqday xoriyadiisii luntay 1960kii kadib midawgii somaliya ee horseeday burburka, iyo barakaca nafaha badan lagu waayay, ayaay somaliland 1991kii dhamaan bulshada reer somaliland go’aansadeen kadib halgankii dibu-xoraynta dalka inay ku dhawaaqan madax banaanidii somaliland taasi oo noqotay mida ilaa haatan lagu caano maalayo ee keentay nabada iyo xasiloodia iyo waliba horumarka dalka iyo dadkuba gaadheen

Haatan oo dalka uu ka arimiyo hogaamiyihii shanaad ee ku yimaada rabitaanka shacbiga laguna soo doortay codka xorta ah, ayaa sida aynu la wada socono ku jira dadaalo balaadhan oo aqoonsi raadis ah kuwaas oo qadiyada somaliland uu gaadhsiiyay wadamada afrika oo iyagu haatan dareeno togan ka muujiyay xaqa iyo xuquuqda somaliland ay u leedahay inay hesho aqoonsi buuuxa oo beesha caalamka ah.

Garawshiya ay in badan oo wadamada afrika garwaaqsadeen dooda somaliland ee ah helitaanka aqoonsi buuxa ayaa noqotay mid u cuntami wayda maamulka somaliya oo isagu si indho la’aan ah uga soo horjeeda qadiyada somaliland islamarkaana sheegta inay ka mid tahay, taasi oo badiba dunida inteeda kale ay ogtahay in somaliland iyo somaliya ay isku biireen tiyoo ay yihiin laba dal oo midba mar qaatay xoriyadiisa oo waliba somaliland ay tahay wadankii u horeeyay ee somali ah ee gumaystaha xoriyadiisa ka qaatay, balse muxubo dhalanteed ku salaysan iyo boholyow somali jacayl ahi ay gaysay koonfur oo aan iyadu daacad ka ahayn midawga, aakhirkiina dhaxalsiisay, ciqaab aad u daran oo kentay in halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray in dib loola soo noqdo madax banaanidii sal-fudaydka lagu galbiyay.

Guud ahaan shacbiga reer somaliland oo qadiyada madax banaanidooda ka midaysan ayaa dhanka kale ay jiraan shaqsiyaad u adeega cadwga qarankan oo iyagu umada markasta jecel inay dhex dhigaan kala qoqob iyo kala qaybin, taas oo ka mid ah dabinada cadawgu u maleegayo qarankan dhidibada adkaystay kiyoo ku soo gabanaya, shaqsiyaad sheegta madax dhaqameed, siyaasi, aqoon-yahan iyo wax la hal-maala oo intaba ay bulshadu diirada ku hayso oo aanay sinaba ugu suurta galayn shirqoolada ay la maagan yhiin somaliland iyo shacbigeeda.

Bulsho waynta reer somaliland iyo madaxdeeduba waa kuwo bislaaday oo jiritaanka qarankan heegan ugu jira waana umad isku tashatay oo aan cidi loodin karin, si kastoo laysugu dayo in loo dago ba waa mid ay meel uga soo wada jeedaan inaanay suurta galin dabinada iyo shirqoolada ay markasta la raadinayaan cadawga dibada iyoadeegayaasha gudaha oo sida ugu dhakhsaha badan xididada loogu siibi doono

(Marsanews) 

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here