Dhexdhexaadintii Laga Kale Dhexwaday Caare iyo Xukuumadda Oo La isku Mari La’ Yahay

0
180

Somalilandey (Hargeysa)- Odayaal iyo kooxo siyaasiyiina oo iskood isku xil qaamay oo dhexdhexaadin ka kale dhex waday xukuumada Somaliland iyo Jabhada Col. Caare ayaa la isku mari la’ yahay ka dib markii kooxda Caare ay soo jeediyeen qoddobo doora oo u muuqda kuwo ay xukuumadu inay aqbasho ay ku adkaatay.

Qoddobadan ayaa sida ilo xogogaal ahi sheegeen waxa ka mid ah; In Col. caare loo dalacsiiyo General, in loo qarameeyo coodamo 400 ah iyo in lagaga iibsado lacag gaadhaysa $US 2,000,000,000 gawaadhida dagaalka ee ay kooxdani haysato.

Xukuumadda ayaa sida la sheegey ku gacan saydhay soo jeedintan kooxdani soo jeedisay oo dadka siyaasadda faaqidaa u arkaan la cararay oo aad loo dilaalay, isla markaana u muuqda kuwo aan la aqbali karin marka loo eego dalacsiinta askari falaaga ah, taasi mooralka ciidanka hoos u dhac ku keeni karta.

Madaxweynaha JSL oo Maanata isna munaasabad lagu qabtay magaalada Hargeysa ka hadlayay ayaa xusey xaalada G/sanaag wanaagsan tahay oo wadahadaladii meel fiican marayaan inkastuu xusey in caqbado dhinac farsamada ahi jiraan

Dhanka kalena ciidamada qaranka ee ku hareereysan buurta kooxdani ku dhuumanayso ayaa lagu soo kordhiyo guutooyin dheeraada si culeys loogu saaro inay aqbalaan dhexdhexaadinta oo nabada qaataan.

oo sida la sheegey ay reerkiisu u iibiyeen.

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here