Madaxweynaha JSL Iyo weftigiisa oo kullan kula qaadan doona Jeddah Jaalliyada reer Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayay oo soodhameystay waajibkaad Xajka, ayaa kullan balaadhan maalinta Sabtida ah ee taariikhdu tahay 17/08/2019, magaalada Jeddah Jaalliyadda reer Somailand ee ku dhaqan dalka Sacuudiga.

Sidoo kale waxa kullankani wuxuu fursad u yahay qurbajoogta kale reer Somaliland ee ka kale timid daafaha dunida ee iyaguna soo gutey waajibka xajka. Waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha iyo weftigiisu uga xog warami doonaan xaalada guud ee dalka iyo waxyaabihii ay la kulmeen muddadii ay dalkan ku sugnaayeen.

Haddaba waxa la ogeysiinayaa Jaaliyada Reer Somaliland ee Sacuudiga in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Waftigiisu ay la kulmi doonaan Jaaliyada Maalinta Sabtida 17/8/2019 , Kulanku Wuxuu ka Qabsoomi Doonaa Magaalada Jeddah Hotel Movenpick Saacadu Markey tahay 8:00 habeenimo( 20:00 ).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here