” Wax Saami La Dhahaa Ma Jiraane Reer Boorama U Diyaar Garooba Doorshada ” Maxamuud Sacad Saajid Wasiirka Ganacsiga

” Wax Saami La Dhahaa Ma Jiraane Reer Boorama U Diyaar Garooba Doorshada ” Maxamuud Sacad Saajid Wasiirka GanacsigaQorshayaasha dhagaraysan iyo ficilada guracan ee wasiir saajin soo curiyey!!
Wasiir saajin wuxuu jufadayada hoose eenu kasoo wada-jeed-no ku qanciyey inay u diyaar galoobaan doorashooyinka fooda inagu soo haya xili bulsho-weynta kale ee reer awdal aanay diyaar u ahayn doorasho ka qabsoonta deegaankooda ilaa iyo laga garaabayo tabashadooda!
Wasiir saajin wuxuu duufsaday dhalinyaro kamida jufadayda isagoo uga faa’idaysanaya duruuftooda dhaqaale, wuxuu dhalinyarada maskaxda ugu soo ridaa inaanu jirin saami-qaybsi, iyaguna waxay fagaarayaasha la imaadaan inaanay jirin wax saami-qaybsi ah oo ka maqan bulshada reer awdal wakhti xaadirkan tusaalana waxa inoogu filan hadalkii kasoo yeedhay maayirka borama oo u adeer u yahay wasiir saajin!!!

Sidan waxaa qoray Cabdiwahaab Unity oo Reer Boorama ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here