FARMAAJO’ DHAXALKA AAN IDIINKA TAGAYAA WAA DHISMAHA MAAMULKA KHAATUMO STATE

0
89

Hargeisa:() Madaxweyne Farmaajo oo xalay khadka taleefanka kula hadlay xildhibaano iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Dhulbahante oo ku sugan Maraykanka iyo qaar shir uga socday dalka Turkiga ayaa u balan qaaday in uu dhisi doono Dowlad Goboleedka Khaatumo, howshii loo qorsheeyayna gabogabo ay hada marayaso.

Farmaajo ayaa sheegay in uu ka xun yahay in uusan wada-fulin balanqaadyadii uu beesha u balan qaaday laakiin uu hada ku talo jiro in saxo wixii khalad ah ee  horay uga dhacay.

“ .Abtiyaal siyaasi xantiisa ma moogo, waana ogahay dareenka jira, laakiin waxaas oo dhan waa la saxayaa, wasiirkana araintaan waan ka sheekeysanay, marka niyada qayr u sheega waxa badan ayaana idin soo socda”, ayuu yiri Farmaajo oo raali galin  siinaya beesha Dhulbahante.

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri, “waad aragtaan Puntland waxa ay isku badashay maqaayad hal qoys leeyahay, kala qaybsanaantiina iyo naceybka  dhexdiina ayaana laga faa’iidaystay, laakiin hada fursad ayaa ka jirta Puntland oo aad xaqiina ku dhacsan kartaan iyada oo waliba sharci ah”.

Farmaajo ayaa ku celceliyay in dhismaha Khaatumo uu dad badan kala hadlay oo uu kujiyo Garaadka iyo madax kale hadana uu go’aansaday in la dardar galiyo fulinta mashruucaas.

Waxa uu yiri “ Waad aragtaan waxa ku dhacaya Cabdixakiin Dhoobo iyo beeshii Warsangali, xili ka fiican ma jirto ay labada beelood is bahaysan lahaayeen si loo xakameeyo cadaalad daarada ka jirta Puntland”.

Ugu danbayntii Farmaajo ayaa balan qaaday in uu dardar galin doono qorshahiisa la xiriira dhsimaha Dowlad Goboleedka Khaatumo State”.  Waxa uu yiri .

Dhismaha Khatumo State waxa ay noqonaysaa dhaxasha aan Soomaali uga tagi doono, gaar ahaan reer abtiyadeey, laakiin waa in aad midowdaan beelaha idinla dagana aad keentaan, anigu waxa aan wada hadalanay Suldaan Siciid”.

Hadalka Farmaajo oo ku soo beegmay xili ay xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay ay ka jirto maamul goboleedka puntland tiyoo hadalkiisana ay ka muuqato, mid dhiirigalin colaadeed oo dhex marta dadka walaalaha ah ee wada dega Degaanada dhulka Puntland.

Labo todobaad ka hor ayaay ahayd markii hogaamiyaha Khatumo, Cali Khalid Galaydh Muqdishu kula kulmay Farmaajo iyo qaar ka mida beesha Dhulmahante,.

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here