DEG DEG: Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani oo Hada Xabsiga Loo Taxaaba

0
105

Hargeisa – Xukuumada Somaliland ayaa goor dhawayd Waxaa ay Xabsiga u taxaabtay sadex masuul oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Sadexdan masuul ee xukuumadu xabsiga u taxaabtay ayaa waxaa ay kala yihiin Afhayeenkii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun, Xighayihii xisbigaaasi iyo masuul kale oo isna ka tirsan xisbigaasi.

Xadhiga Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa yimid kadib markii uu goor sii horaysay warbaahinta la hadley oo uu xukuumada Madaxweyne Biixi ku dhaliilay ciidmada ay soo dhoobtay xarunta xisbiga Waddani ayaa kabacdi ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Boolisku ay xabsiga u taxaabeen xoghayihii xisbigaasi Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo Haweenay xilka haysay xisbugaasi gudoomiyaha xisbigaasi shaaciyey in shacabka gobolka maroodijeex maalinta barrito ah isugu soo baxaan.

Xadhiga sadexdan masuul ee ka tirsan  Xisbiga Waddani ayaa loo aanaynayaa banaanbax uu guddoomiyahoodu ugu baaqay taageerayaasha xisbigaasi.

Ma Cadda ilaa hadda goobta lagu xidhay sadexdan masuul ee ka tirsan xisbiga Waddani iyo saldhiga la geeyey.

Dhinaca kale, Xukuumada Somaliland ayaa ilaa iyo hada wax wara ka soo saarin sababaha xadhiga masuuliyiinta ka tirsan xisbiga Waddani

Wixii Warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa….

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here