Maxaa kasoo Kordhay Kullankii Komishanka iyo Madaxweyne Biixi iyo Riyaraac oo loo soo jeediyey inuu iscesilo

0
418

Hargeysa (Somalilandeye)- Kullan albaabadu u xidhan yihiin maanta ku dhexmaray qasriga madaxtooyada Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha Komishanka Qaranka Doorashooyinka Somaliland .

Kullankan oo xasaasi ahaa Madaxweynahana aanay cid kale ku wehelin ayaa Sida ilo xogogaal ah u Sheegeen somalilandeye waxa uu Madaxweyne Biixi usoo bandhigey in xubnaha komishanka qaar ka mid ahi iscasilaan, Isla markaana tirada xubnaha lagu darro labadii xubnood ee xisbiyada Mucaaridka ahi hore usoo jeediyeen in lagu darro

Waxa kale oo madaxweynuhu soo jeediyey in Cabdirashiid Riyoraac iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo ah xubinta kaliya haweenka ah ee ku jirtey iyagana laga saaro komishanka oo xubno cusub lagu soo badalo. Haddaba soo jeedinta Madaxweynaha ayaa noqotay mid lama filaana oo af kale qaad ku noqotey xubnaha komishanka, iyadoo dhanka kalena laga dhursagayay ballantii fullinta qoddobadio guddida dhexdhexaadinta oo maalintii shalay dib u dhac ku yimid.


LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here