Kulan duco iyo xus ah oo loo sameeyey marxuun Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmed-keyse) ayaa xalayto 10.01. 2020 ka dhacay bariga London.

Waxa loo duceeyey marxuunka. Waxa laga warramay taariikhdiisii, waxana tacsi loo diray qoyskiisii reer Xaaji Ducaale Cabdalle, reer Cabdilqaadir Faarax iyo reer Cabdi Casoowe.

Axmed Xaaji Ducaale 1928 ayuu Burco ku dhashay. Waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee waxbarashada si fiican meel sare uga gaadhey. Waddanka, Yemen, Suudaan iyo Ingiriiska ayuu wax ku bartay. Cilmiga dhaqaalaha ayuu ku takhasusay.

Degmadii Laascaanood ayuu DC ku xigeen ka noqday ama guddoomiye ku xigeen. Nin Ingiriis ah ayaa DC-gu ahaa. Axmed-keyse waxa uu saluugey sidii uu ninkaasi wax u maamulayey. Waa ay isku dhaceen. Axmed gacan buu u qaaday. Itoobiya ayuu u baxsaday oo afar sano uu masaafur ku joogey. Gaadhigii uu ku baxsaday waxa uu kaga tegey Wajaale oo uu yidhi dalka ayaa leh ee ha loo celiyo.

Masar buu Itoobiya uga sii gudbey. Markii uu soo laabtay waxa uu ka mid noqday hormoodkii SNLBarlamaankii u horreeyey ayuu Burco ka soo galay.

Waxa uu ka mid ahaa afartii halgamaa ee gobannimada London ku soo saxeexay iyo afartii wasiir ee ugu horreeyey markii gobannimada Ingiriiska laga helay.

Markii israaca Soomaalida dhacay waxa uu ka mid noqday golihii wasiirrada ee ugu horreeyey. Beeraha ayuu wasiir u noqday. Waa uu iska casiley markii ay xukuumadda isku fahmi waayeen qorshihii siyaasadeed ee beeraha.

Waxa uu ku xeeldheeraa diblomaasiyadda. Waxa uu danjire ka noqday Jarmalkii Galbeed iyo Ingiriiska, isaga oo raadad muuqda kaga tegey neelihii xilalka ka qabtay oo dhan. Dugsiga farsamada gacanta ee Burco isagaa ka dambeeyey hirgelintiisa.


Muddo uu ku sugnaa Sacuudi Areebiya waxa uu ahaa damal ka hadhsado, gaar ahaan xilliyadii uu socdey abaabulkii hore ee SNM .

Maraykan, gobolka Arizona ayuu muddooyinkii dambe marxuunku ku noolaa. Qoys ballaadhan oo caan ah ayuu ka soo jeedaa oo caan ah, oo aqoonta iyo nolosha siyaasaddana mar walba ka dhex muuqda. Raaqiya Xaaji Ducaale oo wasiir ka noqotay 1980-aadkii ayaa ka mid ah walaalladii. Khadra Axmed-keyse ayuu dhalay oo wasiir ka noqotay dhowaan Soomaaliya.

Dadkii aqoonta wacan u lahaa waxa ay Axmed-keyse ku sifeeyeen in uu ahaa nin weji furan oo xaruuri ah, isla narkaana mabda’ ku nool ah oo aan ka gabban runta iyo xaqa.

Taariikhdaas gunta raaridan ayaa xalayto lagu soo bandhigay munaasibaddaas ducada iyo xuska ah ee London loogu sameeyey marxuun Axmed-keyse X Ducaale Cabdalle oo 08.01.2020 ku geeriyoodey Arizona, USA. AHN.

Dadka markii ay ifka joogeen wax-ku-oolka ahaa ee wax aayatiin leh ku foognaan jirey, dhito wacanna ka tegey waxa uu sooyaalku ku hadhaa quluubta dadka oo magaca qofkaasi ku negaadaa. Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmed-keyse) waxa uu ka mid yahay dadkaas oo fara-ku-tiris ah. Taas ayaa keenaysa in Axmed-keyse magaciisa iyo sooyaalkiisu inagu soo noqnoqdo.

Axmed-keyse waxa uu u dambeeyey afartii halyey ee gobannimada London ku soo saxeexay 05.05.1960: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Garaad Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur iyo Axmed-keyse Xaaji Ducaale oo hadda baxay. AHN dhammidood.

Axmed-keyse waxa kale oo uu u dambeeyey afar ilmaadeer ah oo isku xilli siyaasadda iyo halganka ku dhex hanaqaaday:
Maykal Maryama, Dubbe Cali Yare, Maxamed Cali Faarax iyo Axmed-keyse oo hadda baxay. AHN. Maykal iyo Dubbe waxa ay ahaayeen labadii siyaasi ee labada suldaan ku weheliyey shirkii London ee 1955.

Maxamed Cali Faarax, Axmed-keyse iyo Maykal waxa ay iyaga oo isku qoys hoose ah *Uddurixiim” isku mar ku soo baxeen doorashadii golihii sharcidejinta ee ugu horreeyey Somaliland Feb 1960. Ceerigaabo, Burco iyo Ceel-afweyn ayay ka soo kala baxeen; sida ay u kala horreeyaan.


Tayada iyo aqoonta qofka ayaa qabiilkiisa ka qaalib ahayd.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here