RAALIGALINTA MADHALAYSKA AH EE FARMAAJO MAAHA MID REER S/LAND DHAG JALAQ U SIINAYAAN

0
126

Hargeisa:() Shacbiwaynaha reer somaliland waxa ay guud ahaan mabsuud ku yihiin helista xoriyada madaxbanaanidoodii ay dib ugala soo noqdeen waxii laysku odhan jiray somaliwayn.

Helista hanashada dibu ula soo noqoshada madaxbanaanida somaliland maaha mid ku timid dhayal mana ah mid si sahlan loo helay ee waa mid ku timid dhiig, kadib halgan dheer oo qadhaadh laguna waayay nafo badan, hanti iyo waxkastoo umadani lahaan jirtayba.

Geesiyaal naftood hurayaal ah ayaa ka dhiidhiyay, tacadigii, gumaadkii, dilkii, xasuuqii, iyo burburkii umadan, kuwaasi oo nafahooga u sadqeeyay sidii ay heeryada cadawga uga dulqaadi lahaayeen umadooda.

1991-kii ayaa guushii halganka la gaadhay laguna dhawaaqay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida somaliland, guud ahaana bulshada ku dhaqan somaliland yar iyo wayn ay u wada riyaaqeen noqdeena kuwo isku duuban oo si buuxda u wada ilaashada xornimadooda, islamarkaana somaliland ay dhisatay nidaam dawliya oo dalka ka tisqaaday ilaa iyo haatan oo laga joogo sodon sano ay somaliland tahay mid dhamaystirtay dhamaan shuruudihii dawladnimo.

Shacbiga reer somaliland maaha kuwo u ciil qaba waxii soo gaadhay oo gacantooda ayay iskaga difaaceen oo ay cadawgii gumaadayay iskaga xoreeyeen, iyagoo ku hanwayn, kuna qanacsan waxkasta iyo dhibkasta oo ay u soo mareen, mana aha kuwo garawshiiyo iyo raaligalin madhalays ah ka sugaya farmaajo iyo inta la hal-maashaba, balse somaliland iyo shacbigeeduba waa kuwo ku qanacsan isku filaashaha ay gaadheen iyo waliba nidaamkooda dawladeed oo ay hareero taagan yihiin cidkasta oo soo faragalisana ay gacan laxaadle ku qabanayaan, jawaabtoodana marin doonan.

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here