Shacbiweynaha Reer Somaliland oo Dareen Cadho Ah Ka Muujiyey Haddalka Abby Ahmed

0
205

Hargeysa (Somalilandeye) – Shacbiweynaha reer Somaliland ayaa dareen cadho leh ka muujiyey hadalka kasoo yeedhey rasal wasaaraha Itoobiya Abby Axmed, waxaanay ku tilmaameen nin aan war badan ka heyn arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya isku hayaan oo gudcur gudaya.

Dadka ku dhaqan caasimada Somaliland ayaa ku waabariistey saaka aroortii hore hadalka kasoo yeedhay Abby Axmed waxaana aad loogu hadal hayay goobaha bulshadu ku kullanto oo dadka qaar ku tilmaameen nin fudud oo marka dabka guddaha kaga shidan gubo dibadda u soo booda oo isku daya inuu shacbigiisa kusoo jeediyo dhaianaca dibadda iyo arrimaha mandaqada si ay isaga uga mashquulaan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in shacbiga caasimada iyo kuwo gobolada ka imanayayba ku ballameen wacadna ku mareen in haddii laga ogolaado Abby Ahmed ay dadweynuhu xidhaan dhabaha dayuuradaha ka haadaan soo caga dhigteen, taasina waxay muujineysaa halka ay shacbiweynaha reer Somaliland ka taagan yihiin qaddiyada madax banaanida Somaliland oo madmadow lasoo galiyo.

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here