War Deg Degga: Xukuumadda Somaliland Oo Qoraal Ah Ugu Jawaabtey Dowladda Itoobiya

0
1170

Hargeysa (Somalilandeye) – Warar ku dhaw dhaw Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sheegeya in Xukuumadda Somaliland ay warqad qoraal ah oo ay kaga jawaabayso hadalkii kasoo yeedhay raysal wasaaraha Itoobiya Abby Axmed ay u dirtey dowladda Itoobiya. Haddalkaaso Raysal Abby oo uu ku sheegey in maalinta Sabtida ee soo socota uu rabo inuu booqasho ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa isagoo uu weheliyo madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Qoraalkan oo uu ku saxeexnaa wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa lagu deedafeeyey booqasho uu ku weheliyo Farmaajo oo uu weheliyo Rayasal wasaaraha itoobiya, waxaanu si cad loogu qeexey halka Somaliland ka taagan tahay imaansho uu yimaado madaxweyne Soomaaliya ahi Hargeysa, hase yeeshee aanay dadka iyo dowladda Somaliland soo dhaweynayaan oo aanay waxba ka qabin haddii uu raysal wasaaraha Itoobiya kaligii imanayo.

Haddaba waa markii labaad ee hadal noocani kasoo yeedho Abby Axmed tan iyo intii uu awoodda dalkaasi la wareegey waxaanad moodaa, inkastoo uu raysal wasaaraha Itoobiya ka tirsanaa muddo dheer hay’addaha sirdoonka ee dalkaasi in war badan ugu dhiman yahay qaddiyada Somaliland iyo halka shacbiga reer Somaliland ka taagan yihiin Soomaaliya.

j

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here