SHIRKADA FLY DUBAI OO SHAACISAY SABABTA AY U HAKISAY DUULIMAADYADA 26-DAL OO SOMALILAND KU JIRTO IYO WARKII MAAMULKA MUQDISHO SHEEGANAYAY OO BEENOOBAY

0
187

Hargeisa:() Shirkada duulimaadyada caalamiga ah ee FLY DUBAI oo guud ahaan ba hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay wadamo farobadan oo ka mida caalamka, ayaa war ay maanta soo saartay kaga hadashay sababta ay u joojisay duulimaadyadeedii.

Shirkadan nfly dubai ayaa baaqashada duulimaadyadeeda ku yimid ku sheegtay cabsida laga qabo fiditaanka xanuunkan xawaaraha ku socda ee guud ahaan ba caalamkii cabsida ba;an galiyay, ee coronavires, iyo waliba amar ay soo rogtay dawlada imaaradku.

Wadamada ay duulimaadyada fly dubai ku tagi lahayd waxaa kamid ah Somaliland taasi oo sababta ay u iman wayday, xaqiiqadeeda dhabta ah ay si qaldan u wariyeen inta jiritaanka somaliland naceb ee maamulka farmaajo uga hawlgala baraha bulshada iyo warbaahinta kale ee afka somaliga ku hadasha, taas oo ay la xidhiidhiyeen amar kasoo baxay maamulka muqdisho in lagu joojiyay imaatinkii flay dubai, balse aanay xaqiiqadu sidaa ahayn, oo somaliya aanay wax awooda ku lahayn hakashada Fly Dubai Ee Madaarka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa.

Halkan kaga bogo xogta dhabta ah ee ay soo saartay shirkada diyaaradaha ee fly dubai ee la xidhiidha sababaha dhabta ah ee duulimaadyadeeda ay ku hakisay

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here