Soomaalida Caadeysatey Shiishada ee UK Oo Halis Ku Ah Bulshada & Fidinta Coronavirus

Netherland (Somalilandeye)- Dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Boqortooyada Ingiriiska iyo guud ahaanba Yurub ayaa sannadahan danbe waxay caadeysteen rag iyo Dumarba cabitaanka Shiishada oo noqotey balwad fara baas ku haysa bulshada dhexdeeda, una bedeshay maandooriyihii qaadka ee Waddamada Yurub ka joojiyeen qaarada guud ahaanba.

Haddaba, iyadoo dunida ay soo food saartey xaalad adag oo caafimaad oo uu keeney xanuunka Coronavirus, ayaad moodaa in Soomaalida reer London qaar ka mid ahi si dhuumaaleysi ah ay goobaha shiishada lagu cabo isugu habar wacanayaan si ay u wada cabaan, taasi oo halis ku ah bulshada guud ahaan, si gaarana waxyeelo ugu keeni karta qoysaska dadkaasi balwadu qaadatay ee sida sharci daradda ah u qiijinaya Shiishada.

Goobahan ay ku cabayaan ayaa ah kuwo intooda badan xidhan, si aan ciidanka boolisku u ogaan in meheradani shaqeyneyso, isla markaana si sahlan loogu kale qaadi karro xanuunka halista ah ee Coronavirus. Sidoo kalena waxa jirta in goobaha cuntada laftooda ee Soomaalida oo la ogol yahay in Safari (Take away) laga dhigto cuntada inay magaalooyinka badan oo Ingiriisa u noqotey goobo ay ku kulmaan oo ay isku wareystaan, taasi oo sababtey in tiro badan oo Soomaali ahi ay cisbitaalada u jiifaan xanuunka, qaarna u dhinteen Allah naxariistii janno haka waraabiyee.

Hay’addaha caafimaadka ee dalkan ayaa iyaguna arrintan aan ilaa iminka wali si gaara aan ugu digin Soomaalida, maadaama ay la tacaalayaan la dagaalka xanuunkan. Waxaase la gudboon bulshada guud ahaanba Soomaalida ahi inay qaataan tallooyinka ay hay’adaha dowliga ahi soo saareen ee ah in qof kastaa gurigiisa joogo si culeysku uga yaraado cisbitaalada oo ay buux dhaafiyeen dadka xanuunku soo ritey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here