Norway: Ku dhawaad 100 Qof oo soomaali ah oo labo xaafadood degan oo laga helay cudurka Coronavirus+Tirada Dhimashada

0
187

Sida ku cad warbixin caafimaad oo ku saabsan cudurka coronavirus oo ay soo saareen hay`adaha caafimaadka Norway ayaa waxaa lagu sheegay in ka badan 100 soomaali ah in uu ku dhacay cudurka faraha ba`an ku haya caalamka ee loo soo gaabiyay COVID19.

Tiradan boqolka kor u dhaafeysa ee soomaalida ah islamarkaana laga helay cudurka coronavirus ayaa daggan labo xaafadood oo dhabarka isku haya, sida lagu sheegay warbixinta, waxaana ay labadaasi xaafadood kala yihiin Grønland iyo Tøyen.

13 ka mid ah dadkan ayaa la sheegay in ay isbitaalka u jiifaan xanuunkan oo uu naqaska ku ceshoomay, balse warbixinta lahuma sheegin qof u dhintay wali.

Guud ahaan dalka Norway tirada ilaa iyo iminka la diiwaangeliyay oo uu ku dhacay cudurkan ayaa ah 4390 ruux, waxaana isbitaalka u jiifa 317 ruux halka tirada u dhimatay ay sii cago-cageyneyso 31 ruux.

Dadka cudurkan ugu dhintay Norway ayaa waxaa ay i badanyihiin waayeelo, waxaana kan ugu yar da`diisa lagu sheegay 61 jir.

Si kastaba, tirada soomaalida uga dhacday cudurkan ayaa ah mid aad u sarreysa tan ajaaniibta kale, waxaana dhawaan cabasho ay ka timid booliska kuwaas oo ku wareeray soomaalida oo aan qaadan ama la socon digniinihii xakameynta cudurkan ee loogu baaqay shacabka in  eysan guryohooda kasii bixin.

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here