Booliska Oo Albaabada Iskugu Dhuftey Meelo Shiishadaha Soomaalidu Ku Qiiqiso London

Holland (Somalilandeye)- Booliska magaalada London, ayaa albaabada u laabay goobo ay dadka Soomaalidu si qarsoodi ah ugu cabaan shiishada. Goobahan ayaa sida la sheegey waxa soo dacweeyey dadkii ay diriska ahaayeen oo ka yaabay tirada dadka intan le’eg ee galaysa goobahan iyadoo lagu jirro xilli la xadidey isku socodka bulshada dhexdeeda.

Mid ka mid ah goobahan la xidhey ayaa sida ilo xogogaali u sheegeen Somalilandeye waxa loogu galay dad kor u dhaafey afartameeye ruux oo ku qiijinaya shiishada, kuwaasi oo la ganaaxay cadad lacag ah, halka liisamadii ganacsiga lagala noqdey goobaha shiishada lagu cabayey

Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan waddamada Yurub marka laga reebo dalka Holland, ayaa la sheegey in tirro badan oo ka mid ahi u jiifaan cisbitaalada halka in ka badan 100 ruux na ugu geeriyootey xanuunka Coronavirus.

Soomaalida oo tiro ahaan ka mid ah dadka laga tiro badan yahay ayaad moodaa in aanay dheg jalaq u siin tallooyinka caafimaadka ee hay’addaha caafimaadku soo saareen, iyagoo wali ku kulmaya goobaha cuntada, qaadka laga cuno iyo meelaha Beeraha ee loogu tallogalay in la lugeeyo ama lagu ordo. Taasina waxay sababtey in dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Waddamada reer Yurub in badan oo ka mid ah inuu haleelo xanuunkan Coronvirus, taasi oo fajiciso ku noqotey hay’addaha caafimaadka ee la talaacalaya la dagaalanka xanuunkan safka ah.

Haddaba u dhuun daloola dhaqanka Soomaalida ayaa ku macneeyey sababta keentey arrintani in ay la xidhiidho dhaqanka sharci diidka ah iyo ka madax adayga awaamiirta dowladda mid dib ugu noqoneysa dhaqanka ee reer guuraaga ah ay dadka Soomaalida ahi ka soo jeedaan. Waxaana intaa u dheer dadka Soomaalida ah oo dalalka ay ku nool yihiin ah kuwo dabaqad hoose kaga jire oo ku nool guryo kooban oo ay buux dhaafiyeen qoysas balaadhini. Waxaana laga digey in ay kor u qaadi karto nacaybka dadka haddii ay soo baxdo in dadka Soomaalida ahi yihiin kuwo uu aad ugu faafay xanuunkan oo sii faafinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here