Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Isku Shaandheyn Balaadhan Ku Samayndoono Xukuumadiisa

0
383

Hargeysa (Somalilandeye)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la hadal hayaa maalmahan u danbeeyey inuu ku mashquulsan yahay isku shaandheyn balaadhan oo uu ku samayn doono golahiisa Xukuumadda. Waxaana la filayaa inay xilkooda wasiirnimo waayaan wasiiro tirro badan oo haya wasaarado muhiima.

Wasiiradda sida aadka loo hadal hayo ee shaqadooda waayi doona waxa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Boosaha & Isgaadhsiinta, Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda, wasiirka Degaanka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Maalgashiga, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo waliba xubno ka tirsan Hay’addaha madaxa-banaan ee dowladda iyo agaasimayaasha guud. Sidoo kale waxa la filayaa in madaxweynuhu magaaci doono xubno kooban oo wasiiro ku xigeeno ah.

Haddaba dadweynaha reer Somaliland ayaa si aada u hadal haya isku shaandheyntan madaxweynuhu ku samaynayn doono xukuumadiisa, waxaanay dadka qaar ku dhaliileen madaxweyne Muuse Biixi qaabka xulashadiisa oo ay tilmaameen in dadka intiisa badan la dhacsanayd, halka qaar kale iyagoo rajo weyn ka muujiyey inuu samayn doono isbdel ka duwan kuwii uu hore oo mug leh.

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here