Farmaajo Oo Ka Cadhoodey Qaabka Madaxyene Geelle U Maamulay Shirkii Jabuuti

Somalilandeye (Djibouti)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa maalintii shalay galinkii danbe cadho kaga dhoofay magaalada Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo, waxa la sheegay in aanu ku faraxsanayn qaabkii dowladda Jabuuti u soo agaasimtey shirkaasi , iyadoo aanay ka muuqan gabi ahaanba astaamaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Somaliland. Sidoo kalena waxay dowladda Farmaajo si aada uga cadhoodeen War-murtiyeedkii shirka ay kasoo saartey Dowladda Jabuuti, kaasi oo lagu caddeeyey in labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ku kulmeen magaalada Jabuuti. Maamulka Barta Twitterka ee Villa Soomaaliya ayaa iyaguna war-murtiyeedka shirka kasoo baxay deedafeeyey, inkastoo markii danbe ay ka saareen. Waxa iyaguna si aada u dhaleeceeyey ku qaabka Dowladda Farmaajo uga qayb gashay shirkaasi siyaasiyiin iyo aqoonyahano reer Soomaaliya ah oo ku tilmaamay in weftiga Soomaaliya uga qayb galayey shirkaasi ay ka muuqatay diyaargarow la’aan baahsan.

Dhanka kalena Dowladda iyo shacbiweynaha reer Somaliland ee guddaha iyo dibadda ayaa si weyn oo mideysan u soo dhaweeyey kullankii magaalada Jabuuti ku dhex maray labada Madaxweyne, waxaanay ku tilmaameen guul weyn oo Somaliland gaadhay, iyagoo hambalyo iyo bogaadinba u direy Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Maraykanka, oo ahaa maskaxda dabada ka riixeysay kullankan Ambassdor Yamamoto

oo isla markii war-murtiyeedku soo baxayba ayaa iyaguna si cad u deedafeeyey war-mutiyeedkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here