Madaxweynaha JSL Oo Khudbadiisa Caawa La Fillayo Inuu Deedafo Labada Qod. Oo Shirkii Jabuutiya

0
148

Hargeysa (Somalilandeye)- Madaxweynaha Somaliland oo saacadaha soo socda Khudbad ka jeedin doona munaasabada 60-guurada kasoo wareegtay maalinta Xorriyadda Somalilandeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, ayaa dadweynaha reer Somaliland si aada ugu dhago taagayaan.

Dhawrkii cisho ee u danbeeyey waxa shacbiga reer Somaliland si aada uga qayliyeen labada oo kusoo baxay War-murtiyeed dowladda Jabuuti kasoo saartey shirkii Jabuutia ku dhex maray Somaliand iyo Soomaaliya, kuwaasi oo mid ka mid ahi sheegayay in la wada maamulu hawada Somaliland, halka kalena lagu xusey in la ogolaaday isdhexgalka labada shacbi ee aan siyaasadaysneyn sida dhaqanka, ciyaaraha, iyo fanka.

Haddaba waxa la filayaa in Madaxweynuhu khudbadiisaa si cad ugu sheego mar kale heshiiskii ay magaalada Jabuuti kusoo galeen weftigii hogaaminayay, isla markaana uu deedafo labadaa qoddob oo dadka reer Somaliland si mideysan oga wada hor yimaadeen., kuna tilmaameen waxaan la aqbali karin.

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here