Safiirka Somaliland Ee Jabuuti Amb. C/fatax Siciid Axmed oo Shacabka Reer Jabuuti ku Hambalyey Maalinta Xornimadooda

0
119

Hargeysa- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku Hambalyey sanaad-guurada 43-aad ee kasoo wareegtay Maalintii ay Qaranka Jabuuti xornimadooda ka qaateen gumaystihii Faransiiska oo ku beegaan caawa oo ay Taarikhdu tahay 27-ka Jun 1977-kii.

Sidaas daraadeed, anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumada Somaliland, ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo ka Shacab-weynaha Somaliland, waxaan Hambalyo halkan uga dirayaa 43-guurada kasoo wareegtay xornimada Jabuuti.Waxanan si gaar ah ugu Hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, Raysal-wasaaraha, Marwada Qaranka iyo golaha Xukuumadiisa iyo weliba Shacab-weynaha Jamhuuriya Jabuuti, waxanaan leenahay ku waara Bash-bash iyo Barwaaqo iyo xornimo sii jirta.Guntii iyo gebo-gebadii waxaan Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti usoo jeedinaya inay ilaashadan amnigooda iyo dawladnimadood, isla markaana wada-jir ku waaran.Alla mahad leh. Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti.

LAAT EEN REACTIE ACHTER

Please enter your comment!
Please enter your name here