Somaliland iyo Taiwan Oo Xidhiiidhkoodi Heer Safaaradeed Gaadhsiiyey

Holland(Somalilandeye)- Dalalka Somaliland iyo Taiwan oo hore u lahaa xidhiidh dimlamaasiyadeed, ayaa kor u qaadi doona xidhiidhka labada dal oo la gaadhsiiyey heer safaaradeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Taiwan Mr. Joseph Wu oo u waramayey war-fidiyeenada ayaa waxa uu yidhi ” Somaliland iyo Taiwana waxay bishii February kale saxeexdeen heshiis diblamaasiyadeed oo labada dal isweydaarsan doonaan wakiilo u kale fadhi doona”. Waxaanu intaasi ku daray in aanay ahayn dalkii u horeeyey ee sidaa yeela, balse 8 dal iyo ururo caalami ahi ku leeyihiin xafiisyo dimlamaasiyadeed Somaliland oo ay Itoobiya ka mid tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Taiwan Mr Wu waxa kale oo uu xusey in Somaliland ku taallo meel istaraatiji ah, tahayna dal hodan ku ah shiidaalka iyo kheyraadka badda, isla markaana dalal badan oo dunida ahi u aqoonsan yihiin dal dimuqraadiya buuxda ka jirto, ayna ka dhaceen saddex doorasho oo xor ah oo dhinaca madaxtinimada ah.

Dalka Taiwan, sannadkan u danbeeyey waxa saarnaa culeys diblamaasiyadeed iyo dagaalkii aan tooska ahayn ee Shiinaha oo sii xoogeystey.

Haddaba xidhiidhka dimlamaasiyadeed ee Somaliland waxa bilaabay Abm. Cali Aadan Cawaale oo hore u ahaan jirey safiirkii Somaliland u fadhiya dalka Boqortooyada Ingiriiska sannadkii 2012, waxaanu ku guuleystey inuu gaadhsiiyo heer ay Somaliland siiyaan deeqo waxbarasho oo heer Jaamacadeed, inkastoo ay xilligii xukuumadii madaxweyne Siilaanyo ogolaadeen in ay Somaliland wakiil ku yeelato dalkaasi haddana waxa ka caga jiidey wasiirkii arrimaha dibadda ee Somalilad oo walaac ka muujiyey culeys dhinaca Shiinaha kaga yimaada sidii dalabkii dowladda Ruushka ee saladhiga militari ee Berbera loo hor hor istaagay.

Dhinaca kalena, Waxa saldhig militari ku leh dalka Jabuuti ee ay Somaliland jaarka la ah dalka Shiinaha oo ay si aada isku hayaa una aqoonsan gobol ka mid ah Shiinaha dalka Taiwan.

Isku soo wada duuboo waa guul diblamaasiyeed oo u soo hoyatay Somaliland, Taiwan waxay ku biiri doontaa waddamada kale ee dunida ee xafiisyada Diblamaasiyadeed ku leh Somaliland. Waxaana la filayaa in dhawaan uu madaxweynaha Somaliland u soo magacaabi doono dalkaasi wakiil dimlamaasiyadeed oo Somaliland uga noqda dalka Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here