OLOLE LA RABO IN S/LAND LAGU AQOONSADO OO KA SOCDA BAARLAMAANKA KENYA

Hargeisa:() Wararka ka imaanaya magaalo madaxda wadanka kenya ee Nairobi ayaa sheegaya in booqasho uu ku imaan doono halkaasi ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Todobaad ka hor ayaay Somaliland booqasho ku yimaadeen xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Raila Odinga, kuwaasi oo Somaliland kala hadlay arrimaha ganacsiga iyo siyaasadda.

Siyaasigan ayaa wada olole baarlamaanka Kenya lagu horgeynaayo mooshin lagu taageerayo qaddiyada madaxbanaanida Somaliland.

Raila Odinga ayaa aaminsan in Somaliland ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madax banana maadaama ay buuxisay buu yidhi shuruudihii looga baahnaa, ayna tahay meel doorasho dimoqraadi ah ay ka dhaceen seddax goor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here