Daawo”Booliska London Oo Ganaaxay £10,000 Hool Soomaali Aroos Ku Qabsanaysay

“Waa Doqoniimo Khatar ah” Booliska Galbeedka London

London (Somalilandeye)- Ciidamada Booliska ee Galbeedka magaalada London, ayaa kale dareeriyay dad 100 kor u dhaafay oo ka qayb qaadanayan xaflad Aroos Soomaali ah oo lagu qabtay Xaafada Southall ee Galbeedka London habeenimadii Salaasadii ina soo dhooftey.

Sida afhayeen u hadlay Boolisku uu u sheegey telefiishanka Skynews, waxa la ganaaxay mulkiilihii hoolka arooska lagu qabanayay lacag dhan £ 10,000 Oo giniga Ingiriiska ah , taasi oo lagu sababeeyey inuu ogolaaday qabsoomida aroos dad ka badan 100 ruux inay isugu yimaadaan hoolkaaasi. Sharciga degdega ah ee xakamaynta xanuunka COVID-19 sida uu dhigayo munaasabadaha aroosyada isuguma iman karaan dad ka badan 15 qof, waxayna Boolisku ku tilmaameen dhacdadan mid Doqoniimo Khatar ah.

Mulkiilaha lahaa Hoolkan aroosyada ee la ganaaxay, ayaa ah mid caadeystey inuu jabiyo xayiraada saaran tirada dadka ee kasoo qaybgalaya arooska, si aad ahna ula qabsaday nidaam xumida ay aroosayada iyo xafladaha u dhigtaan Soomaalida UK, iyadoo lagu jiro xilli adag oo dalkan boqortooyada Ingiriisku la tacaalayaan ka xakamaynta xanuunka COVID-19 ka oo faro baas ku haya Qaaradan Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here