Xanuunka Garanwaaga ah ee Kuduudiyaha Oo Farabaas Ku Haya Somaliland

Hargeysa (Somalilandeye)- Xanuunka Kuduudiyaha loo yaqaan, ayaa fara baas ku haya guud ahaanba dhulweynaha Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalka, oo ay dad kumanaan ahi u jiifaan guryaha iyo cisbitaalada.

Xanuunka oo calaamado kale duwan leh oo dadka qaarba si u haleelaya caruur iyo ciroolaba, ayaa u muuqda mid dadku is qaadsiinayaan oo kusii dhex faafaya dhexdooda. Waxa la sheegey inuu leeyahay xumad, lafo garaac badan, shuban iyo calaamado kale duwan, waxa markii u horeysay lagu arkay xanuunkan sannadkii hore dhamaadkiisii magaalada Burco iyo Jabuuti oo tirro dad ahi u dhinteen.

Haddaba inkastoo baadhitaan xeel dheer aan lagu samayn nooca ama bahda xanuunkani ka tirsan yahay, ayaa dadka qaar badan oo ka mid ahi ku macneeyeen inuu yahay nooc Coronaha ka mid ah oo saf mar ku haleelaya dadka intooda badan.

Xukuumada Somaliland iyo Wasaarada caafimaadka Somaliland, ayaan ilaa hadda ka gaabsaday inay wax war ah kasoo saaraan xanuunka faraha baas ku haya magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan caasimada Somaliland ee Hargeysa oo kumanaan ruux u jiifaan xanuunka.

Dhanka kalen, Dowladda Jabuutia ayaa xidhey xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here